|

Yuusuf Garaad Oo Soo Bandhigay Qoddobada ay Ku Doodayaan Beesha Diiddan Maamulka Saddexda Gobol Ee Dawladda Xasan Sheekh Aqoonsatay

Muqdisho:June,30,2014(SDN/QJ)-Saxafiga caanka ah, imikase isku rogay Siyaasiga Yuusuf Garaad Cumar Axmed, ayaa qoraal dheer oo uu isku barbar dhigayo Dawladda soomaaliya ee uu xasan sheikh Hoggaamiye iyo Beel ka mid ah kuwa Dega Muqdisho Soo Bandhigay, isagoo ku faahfaahiyey qoddobo dhawr ah oo Beeshaasi u daliishanayso Dooddeeda.

yuusuf garaadYuusuf Garaad waxa uu Qoraalkiisa si Hoose ugu soo bandhigay awoodda Beeshaas ee Gaadhsiisan in uu Gorgorton ku dhex maro Hawlo qaran oo ay waajib tahay in xukuumaddu Gacanteeda ku fuliso, isla-markaana aanay sinaba Suurtagal  u ahayn in Heer Beeleed lagu soo celiyo Taladeeda.

Qoraalk Yuusuf Garaad ee uu arrinta u dhexaysa Dawladda  Somalia iyo Beesha ka qoray ayaa sidan Ku Bilaabmay.

Maalmahaan waxaa Muqdisho ka jiray welina ka socda khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda iyo beel ka mid ah shanta beelood oo aad mooddid in Xubnaha Xukuumadda iyo kuwa Baarlamaanka ee beesha ka soo jeeda ay isku qanicyeen in ay isku mowqif qaataan inta hadda ah.

Waxay beeshaasi ka cadheysan tahay in Gobolka Shabeellada Hoose laga mid dhigo maamul goboleed ay xaruntiisu noqoneyso Baydhaba.

Dhowr maalmood oo aan Muqdisho joogay waxaan dhegeystay doodda dad ka soo jeeda beesha gadoodsan. Waxaa ii soo baxay dhowrka qodob ee dooddoodu ay ku salaysan tahay, waxaana ka mid ah:

Xafladda lagu qabtay Madaxtooyada ee saddexda gobol la isku raaciyay in ay tahay mid dastuurka ka soo horjeedda. Sababta oo ah Dastuurku wuxuu qorayaa in dadyowga Gobollada deggani ay ka xaajoodaan haddii ay doonayaan in ay is raacaan. Ma aha go’aan ay leedahay Dowladda Federaalku.

Dood kale waxay tahay taariikh ahaan in Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe ay labaduba ka tirsanaan jirteen Banaadir oo Muqdisho ay xarun u tahay.

Hadda haddii Muqdisho laga reebo waxay door bidayaan in labada Shabeelle ay is raacaan.

Dowladdu sababta ay u diidday in ay aqoonsato maamulka Shabeelle ee Afgooye looga dhawaaqay oo ay u aqoonsatay midka ay iyadu uga dhawaaqday Villa Soomaaliya oo ka danbeeyay kan looga dhowaaqay Afgooye, in ay tahay caddaalad darro.

Ugu danmbeyntii waxay ku doodayaan in Shabeellada Hoose aanay ahayn Marka oo keliya ee ay jiraan degmooyin ay inta badan dadka deggani ay beeshooda ka soo jeedaan oo Gobolka ka tirsan. Iyo in Gobolku uu dacalka la soo galo magaalada Muqdisho oo xataa xeebta Jazeera, oo u soo dabaal tagaan dad badan oo reer Muqdisho ah ay hadda ka dib hoos tegi doonto Baydhaba.

Akhristow maxay kula tahay in qodobbadaas lagu xallin karo. Haddaad madax ahaan lahayd iyo haddii aad beesha la talineyso ama dowladda aad la talineyso maxay noqon lahayd taladaadu?

W/Q: Yuusuf Garaad

 

 SDN/QJ-

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed