|

Yuusuf Garaad Oo Qoraal kusoo Bandhigay Iskudayo Fashilmay Oo Xubnihii Wufuudda Ka Ahaa Shirka Turkigu Isku Dayeen

Stanbul:March,04,2015(SDN/QJ)-Tifaftirihii hore ee Idaacadda BBC-da, haatan xidhiidh fiican la leh madaxtooyada Somalia, ayaa qoraal kooban kusoo bandhigay Xogo ku qarsoonaa Hutelkii ay wufuudda somaliland iyo somalia ka deggenaayeen Magaalada Istanbul.

prooYuusuf Garaad, ayaa sheegay in xubnahaas intooda badani isku dayeen inaanu shirkaasi fashilmin, waxana uu bannaanka soo dhigay inay si gaar gaar ah iskugu dayeen inay isqanciyaan.

Qoraalka Yuusuf Garaad, ayaa u dhignaa sidatan:

Waa dhab afar maalmood ayay magaalada Istanbul ku sugnaayeen, weliba ay isku Hotel deggenaayeen wafdiga Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdiraxman Odowaa iyo Wafdiga Dowladda Somaliland, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Maxamed Biixi Yonis.

Waa dhab si rasmi ah isuma hor fadhiisan labada dhinac. Waa dhab xataa sawir rasmi ah ma wada gelin. Waa dhab way kala dhoofeen si ay “wadatashi” u soo qaataan.

Waxaan rajeynayaa in aanay taasi horseedi doonin in qolyaha xag jirka ah, ee waran-la-yuururka ah ee labada dhinac ay ka dhigtaan fursad ay dib ugu billaabaan in dhanba uu dhanka kale af lagaaddo hawada u mariyo.

Inkasta oo aan wufuuddu is hor fadhiisan, haddana xubnaha labada wafdi si shakhsi ah col uma ahan. Wadahadal, wada sheekeysi iyo mararka qaar kaftan siyaasadeed intuba wey jireen.

Sidoo kale inta isku deyeysay in aan wadahadalka la hakin ee la is hor fariisto dhowr jeer ayay maalin kasta is arkayeen. Waxaa dhex martay in badan oo dood ah, isku dayid wax iska dhaadhicin ah, kaftan ah oo laba laba ama saddex saddex ah.

Sidoo kale waxaa jirta rajo ah, in marka labada dhinac ay wadatashi soo sameeyaan, in mar kale dib loo ballamo oo ay sii socdaan wadahadalladu ilaa aakhirka la gaaro natiijooyin taariikhi noqda oo lagu jaangooyo arrimaha siyaasadeed ee masiiriga ah.

FG: Labada magac ee aan adeegsaday waa kuwa hore la isugu af gartay in la isku hor fariisto, laguna kala saxiixday heshiisyada.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed