|

Yuusuf Garaad oo Markii 1aad ka hadlay Dagaalka Saax dheer

Muqdisho 30.Aug 2014 (SDN/QJ)- Tifaftirihii hore ee Idaacada BBC-da Yuusuf Garaad Cumar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii Ciidamada qaranka Somaliland kula wareegeen gacan ku heynta Magaalada SAAX-DHEER ee Gobolka SOOL,kadib markii ay maalintii Khamiistii aynu soo dhaafnay ay halkaasi ka eryeen Kooxda khaatumo oo munaasibadii Caleemo saarka halkaasi doonaysay inay ugu sameeyaan Cali Khaliif Galaydh.

yuusuf garaadYuusuf Garaad waxa uu ugu baaqay dadka Siyaasada ku jira ee ku sugan Magaalada Muqdisho inaanay qabiil dartii dhexgelin, waxa uu sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiida uu ku leeyahay Facebook-ga.Waxaanu u dhigaa sidan:

“Dagaalka Saaxdheer, in kasta oo sida dagaal kasta oo Soomaaliyeed laga dhex arki karo hummaag qabiil, aniga ilama ahaa dagaalka in u-jeeddadiisu ay qabyaalad tahay. Weliba dadka Muqdisho jooga ee siyaasadda ku jira waa khalad in dagaalkaas ay qabiil dartii ula saftaan ama ay uga soo horjeestaan.”

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed