Yurub oo Webiyadii ay Fataheen
Barlin June 13,2013(SDN)-Dalalka reer Yurub ayaa sanadkan waxa lagu saliday roobab sababay Fatahaadyo aan noocooda oo kale hore loo arag.
Dalka Jarmalka iyo wadamada dhaca bartamaha Yurub ayaa sanadan ay ku de’een roobab aad iyo aad uga tiro badan kuwii hore uga hoori jiray.
Dadka magaalooyinkoodu ay dhacaan jiidaha webiga Elbe ee dalka Jarmalka ayaa gebi ahaanba laga raray xaafadihii ay ku noolaayeen.
Aagaga qaar sida Saxony-Anhalt ayaa waxa laga raray dad tiradoodu ay kor u dhaafeyso 45,000 oo ruux oo aqaladoodu biyuhu ku dhawaadeen.
Waxa aagaasi la isugu geeyay in ka badan 11 500 oo ruux oo gurmed u fidinaya dadka ku nool degaanada fatahaaduhu saameeyeen.
Fatahaadaha ayaa lagu sababeeyay roobabka badan ka sokoow isbedelka cimilada ee dunida inteeda badan saameeyay.
Waxa si degdega u dhalaalay baraf badan oo sanadkan ku hooray dhulka biyuhu qar qiyeen oo mar qura dhalaalay.
SDN-Barlin
contact@somalidiasporanews.com