Yuhuud degan duleedka Gaza oo sidii ciyaar kubadeed u daawanaya Duqeynta Gaza
Gaza Nov 20,2012(SDN)-Qaar badan oo ka mida dadka Yuhuuda ah ee degan degmada Sedrot oo qiyaastii 6-7km oo keliya u jirta magaalada Gaza ayaa waxey u soo baxaan meel taag sare ah oo si fiican looga arkayo duqeynta ku socota maagalada Gaza ee ciidamada Yuhuudu ay la dhacayaan sawaarikhda carsiga ah ee wax gumaada.
Waxey gaawaadhi ku soo qaataan kuraasada lagu dakeeyo ee la dhigto qolalka fadhiyada iyagoo sidii ay dawaanayan ciyaar xiiso badan sacabka u tumaya markey arkaan holaca iyo uurada is xidha ee ay sababayaan gantaalaha ka dhacayaa diyaaradaha wax duqeeya ee Yuhuudu adeegsaneyso. Hadii Yuhuudu jees jees iyo kibir ku jirto geesta kale waa lagu hoobtey, inta badan dadkii deganaa marinka Gazana waxey ka qaxeen guryahoodii, iyagoo ka yaacaya Gantaalaha ka soo qubanaya diyaaradaha samada yaacaya.
Team ama koox wariyayaal ah oo ka socota Jariidada aftenbaldet oo ka soo baxda dalka Sweden ayaa isku dayey iney la xidhiidhan qaar ka mida dadka reer Gaza lakiin umay suuro gelin khadka isgaadhsiinta oo go`an awgeed.
”Qaar ka mida dawaadayaasha Garaacista ku socoota Gaza ayaa muujiyey in aaney rumaysneyn in Israiil ay u wax naxariisa u geli doonto dadka reer Gaza. Keliya waxey la is weydiinaya goorta tawaangida iyo Ciidamada lugtu ay geli doonan Gaza. Ma sacaada mise waa ayaamo”. Sidaa waxaa yidhi mid ka mida wariyayaasha halkaa ku sugan. Geesta kale waxaa si xawliya u socda Daad gureynta tawaangida iyo aaladaha kale ee dagaal kuwaas oo ku wajahan jihada Gaza.
Dawlada Yuhuuda ayaa ku doodeysa iney bartilmaamedsaneyso keliya xarumaha ururka Hamas iyo baakharada hubkoodu yaalo, lakiin aritaas ayaa ah mid aan waxba ka jirin marka la eego rayiada ku tirada badan ee Madaafiicada Yuhuudu aakhiro u dirayaan.
Somalidiaspora.com qurbejoog.com
Oslo Norway