|

Yemen oo Amar kubixisay in Saacdo Gudahood looga qaado Markiib Soomaaliyeed oo yaala Dakada Cadan

Cadan March 21 2013 (SDN)– Hay’ada maamusha Dekada Magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa amar kasoo saartay maraakiibta Soomaalida ee taala dekada Magaaladaasi in saacado looga saaro gudaha dekada.

Amarkaan kasoo baxay Hay’ada maamusha Dekada Magaalada Cadan ayaa waxaa lagu wareejiyay isaga oo qoraal ah qunsulka Soomaaliya ee dalka Yemen Axmed Suudaan.Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii mid kamid ah maraakiibta uu duleelsamay taasina ay keenayso dhibaato soo gaarta Dekada si taasi looga hortagana lasoo saaray amarkaasi Soomaaliya loogu furayo inay saacado gudahooda ku kaxeestaan maraakiibtooda yaala Dekada Magaalada Cadan ee dalka Yemen.

Markabka hoos ka duleelsamay iminka ee laga cabsi qabo inuu ku dago dekada Magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa waxaa lagu magacaaba Cusmaan Geedi Raage.

Qunsulka Soomaaliya ee dalka Yemen ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ku wargeliyeen arintaan isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in saacadaha haray inta loo qabtay xal laga gaaro.

Maraakiibta Soomaaliya ay leedahay ee iminka yaala Dekada Magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa tiro ahaan gaaraya ilaa afar kuwaasi oo muddo halkaasi yaalay.

SDN-Cadan

Comments are closed