Yaya Toure Waa Iney Fifa Iyo Uefa Wax Ka Qabato Cusurinimada Lugula Kacayo Ciyaartooyda Afrika.(By Jaahuur)
London-Oct-26-2013-(SDN)-Saaxiibayaal faaqidaadeena ciyaaraha waxaynu ula caraabeynaa xagaa iyo cariga Ingiriiska iyo Yaya Toure oo afka furtey,markii taageerayaasha Russia ugu yeedheen daanyeer ciyaar dhexmartey Man City iyo CSKA oo ka dhacdey Moskow.
Ciyaar aad u xiisa badneyd oo ka dhacdey magaalo madaxds Russiaa ee Moscow,dhex marteyna Man City iyo CSKA kana tirsaneyd Champion League ayaa 2-1 waxaa ku badiyey Man City intaa maxaa ka dambeeyey?
Xiddigan reer Ivory Coast Yaya Toure khadka dhexena ugu ciyaara Man City ayaa ka cabtey cusurinimada ay kula kaceen taageerayaasha Russia,kuna booriyey ciyaaryahanada Afrika Ineyna ka qeyb galin koobka kubadd a cagta ee aduunka lagu qaban doono dalka Russia 2018.
Toure ayaa ayaa u sheegey garsoorihii ciyaarta dhexdhaxaadinayey Ovidiu Hategan,markii ay ciyaartu dhamaatey isaga oo ka cabanaya errayada cusurinimada ah ay taageerayaasha Russia igula kaceen,laakiin waxaa beeniyey naadiga CSKA.
Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa ka dhawaajiyey in si deg-deg ah Uefa wax uga qabato baadhtana dhacdadan,haddii kalna qaadicaadda ayaa sii badan doonta.
Kubadda Rugbida,ta gacanta iyo ku kaleba aflagaadooyinka ku lamaanan cusurinimada lagulama kaco ee ma dhakhtarbaa u qorey laacibiinta Afrika sidaana waxaa ka dhawaajiyey Yaya Toure.
W/qorey Jaahuur
SDN