|

“Yaan la idin gaadin Soomaaliyeey, dawladda Xasan Sheekh xilka waa kororsanaysa” Siyaasi Tarsan

Muqdisho,31.July 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarzan ahna nin aad u naqdiya xukuumadda haatan jirta ee Xasan Sheekh ayaa sheegay in dawladdu doonayso inay xil kororsi samaysato.

 

tarsanWaxa uu baaq usoo jeediyay shacabka Soomaaliyeed inay ka feejignaadaan dawladda Soomaaliya oo qorsheheeda xil kororsiga uu cadyahay.

 

“ Yaan la idin gaadin Soomaaliyeey” ayuu yiri mudane Tarsan mar uu ka hadlayay  in dawladdu ay waqtiga dhuminayso hadhowna ay ku mar marsiyoonayso in dalka uu galayo dawlad la’aan khasabna ay tahay inay ayagu sii hayaan.

 

Waxa uu xusay inay sidoo kale rabaan in beesha caalamka ay ku qanciyaan marka xilku dhammaado in waddanku uusan dawlad la’aan dhici Karin.

 

Dhanka kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku adkaystay inaan wax xil kororsi ah qorshaha ugu jirin dawladda Federaalka ee hada joogta.

Comments are closed