|

Yaa Hogaamin Kara Somaliland

Waa weydiin in badan oo bulshadeena ka mid ah ka dhex guuxaysa, se lagu kala gadisan yahay iyada oo cid kastaaba ay ka eegayso dhanka ay u badinayso in ay noqon karto, waxan ugu badan in lagu eego muraayada qabiilka, waayo taas baa ugu badan, uguna culays badan, se dhanka aan rabo in aan anigu aan ka eego kana taaganahay waxa weeyim in aan si dhaba oo ay ku ladhan tahay aqooni aan ku eego iyada oo ay hal-beeg u tahay danta Somaliland, oo ah waxa kaliya ee aan ku wada guulaysan karo, kuna sii jiri karo qarankeenu.

Weydiintani maaha mid hada uun dhalatay ee waa mid soo taagnayd waligeedna taagnaan doonta, waayo hogaamintu maaha wax dhamaada, ee hawl kasta ha yaraato ama se ha weynaato e kama maaranto hogaan iyo qof caynaanka u qabta, taasina waxa ay ku badan tahay bulshooyinkan hada raad-baradka ku ah qaranimada, se waxa jira dhawr hogaaminood oo kala ah.

1- Hogaaminta kalida ah

waxa in badan oo bulshooyinka ka midi ay rumaysan yihiin in ay kaliya u baahan yihiin hogaamiye kaliya kaasina uu wada daboolo dhamaan baylahda ka wada maqan ee ay tirsanayaan, waxan taasi dhabarka ku haysaa dadka dunida soo maray mudooyinkii hore.

2- Hogaaminta wadarnimo

Habkani waa ka gadisan yahay kana wax-tar roon yahay marka loo eego kaas hore, maxaa yeelay somalida ayaa tidhaa FAR KALIYI FOOL MA DHAQDO, oo ah hawli waxa ay ku toostaa kuna taabo noqotaa wadarnimo, ee kali waa ku baylahdaa, waxan taasi dhabarka ay ku haysaa hanaanka hogaamineed ee hada bilawday oo ah mid ku qotoma aqoon iyo garasho dheer, taasina waxa ay u baahan tahay in dad badani dhinacyo kala gadisan iska taagaan kana eegaan, waxana taas ugu wacan iyada oo ay dunidii noqotay mid ardaayaa oo danihii is wada dhex-galeen, sidii loo kala guri lahaana ay u baahatay in hawsha aan kali lagu qabane loo baahan yahay in la wada riixo, murti baa odhanaysa.

Nina kalidii ku dhaadan maayo hawl aan loo wada dhididin.

Gunta hogaamintu iyada oo ay taas tahay, hadana waxa aad moodaa in hogaaminta talidu inagu jirid aasatay, waxan taas u marag ah in hawsha oo dhan aan ka sugayno hal qof, taasina waata dhalisa waxa loo yaqaan kalitalisnimada oo aan ka soo marnay waxa aad iyo aad u xun, oo aan eray lagu sheegi Karin.

Si aan taas uga badbaadno ugana dheeraano, in aan mar kale aan ku dhacno godkaas oo kale, waxa aan u baahanay in aan hogaaminta aan ku xidhno aqoonta, taas baana iga badbaadin karta in aan bohoshaas aan mar kale aan ku dhacno, ta ugu mudanina waa in aan yeelano xarumo kasmo baadhiseed oo dhab, oo ka war-celiya weydiimaha hor-yaala hogaamiyaha, si ay ugu noqoto tub uu si fudud u mari karo, waxan hogaamiyaha laftiisa ku qasban yahay in uu barto dhaqankaas, wadaaga hogaaminta oo ah in uu yeesho lataliyayaal dhaba oo ay kaw ka yihiin xarumahaasi kasmo baadhistu.

Iyada oo aan taas hadaba ka duulayo, qormadan aadka u gunta weyna, aan rabo bal in aan sida ugu haboon u soo xoodiyo aniga oo aan dhaafayn mucdeeda, kana war-celinaaya weydiinta halku dhiga u ah qormada, waxa aan qodobayn hogaamiyaha aan rabno hadii aan nahay bulshada Somaliland waa kee? Si ay ugu fududaato qofka raba in uu si gun dheer ugu sii dhargo isaga oo ka dhex baadhaya bulshada, qodobadan sadexda ah uun baanay ku soo biyo-shubanaysaa.

1- In uu yahay dhaqan yaqaan

2- In uu yahay hogaamiye go’aamo adag qaadan kara

3- In uu yahay qof si gun dheer u yaqaan siyaasada arimaha dibada

Guntu waa intaas, se waxa aaan hada u dagi in aan furfuro, iyada oo qodob kasta yahay mid iskii u taagan, oo noqon kara, qormo madax banana, waxan aan ku bilaabaya kan koowaad.

1. In uu yahay dhaqan yaqaan

Waa dhab oo bulsho kastaa waxa ay leedahay dhaqan ka soocaya bulshooyinka kale, bulshadeenuna taas uun bay la qabtaa bulshooyinka kale, waxa se aan inagu dheer nahay bulshooyinka kale, waxa aan nahay bulsho aad iyo laxaad ugu adag dhaqankeeda, isla markaana isag ku kala dambaysa, oo isku tix-galisa.

Hogaamiyaha sida dhabta ah u dhugaty qodobkani waa marxuum maxamed xaaji ibraahim cigaal, oo heerka ugu sareeya ka gaadhay in uu si gun dheer u barto dhaqanka bulshadeena, taasina waxa ay ka kaalmaysay in uu bulshadeena kala soo dabaasho mid ka mida dhibaatooyinkii ugu waaweynaa ee soo mara, oo ah qaramaynta ciidan beeleedyadii iyo dhisida hadoodilka qaranimo ee maanta ka hana qaaday gayigeena, waxana uu dhaxa kale oo aad u mudan uga dhigay distoor si dhaba aad uga dhuganayso waxa ay gasho iyo wax ay gudo bulshadeenu, taasina waa mid dhadhan gaara u yeeshay hanaanka qaranimo eek a taabo galay maanta gayigeena.

Hadaba iyada oo taasi tahay rukun dhaba, waxa haboon in hogaamiyuhu iska ilaaliyo in ay la leexato habka dhaqan ee bulshadeenu leedahay, oo leh meel aad u liita oo gaadhiga hogaamiyaha dhiidhi galin kara, sida uu uga saaraana ay adkaan karto, waxan ugu mudan waxaas.

1- Qabyaalada

Waa mid ka mida xanuunada halista ah eek u dhex jirid-aastay bulshadeena, walina ay si cad oo aan gabasho lahayn ugu dhaqmaan, hadaba ma xuma in uu qofku ka dhasho reer ee waxa xun ee aadka u liitaa waa in lagu xidho kartidiisa iyo waxa uu qaban karo reerka uu yahay, noqdana dameer u dhaamiya reerkiisa oo kaliya, ee waxa haboon hadiiba uuu hogaamiye noqonaayo in uu u wada dhaamiyo dhamaan bulshada uu ka dhashay oo dhan, hankiisa hogaamineedna uu dhaafo reerka uu yahay, waayo taas baa isagana maamuus iyo milgo u ah, bulshadiisan u noqonaysa dhaxal iyo aayo dambe oo ay wada cabaan canihiisa, raga kaga dambeeya hogaamintuna ay kaga daydaan.

2- Nin jeclaysiga

Iyaduna waa mid kale oo ka mida xxanuunada ku dhaca bulshadeena, oo inta badan la yara siibata, waxan ay inta badan ku badan tahay dadka hogaanka u ah bulshadeena, oo in uu qofka ku soo dhaweeyo ayay u badan tahay dano ka dhexeeya, iyo isaga oo u arkaaya kani in uu yahay ka uu ka dhigan karo gaashaan, uu iskaga dhigo falaadho badan oo ku soo jeeda.

Waxa se haboon in uu hogaamiyuhu ku soo dhaweeyo dadka ka bulshada wax u qabanaaya, ee isagana dhisaaya magiciisa iyo milgaha uu kaga tagaayo, mudada muu meesha jooga taas baana raandhiis noqonaysa, ee waxan kale ee la wadaa waa biyo col-dhaanshay, mana yeeshaan dug iyo midho wada gaadha bulshada, ee waa korinta dufan-jecesha iyo ku beerida jidhka bulshada shilin iyo gabaaray hadhaw marka qaniinkeedu dilaaco, si gun dheer uga nuugi bulshada dhiiga iyo dheecanka, ee hogaamiye ha noqon mid kaas jidhka bulshada ku ah gabaarayda iyo shilinta, ee noqo mid ay ku wada indho-kuulato, sida Eng Maxamed Xaahi Cilmi.

2. In uu yahay hogaamiye go’aamo adag qaadan kara

Tani waa mida lagu garto in uu hogaaamiyuhu yahay kaliya nin magac raba iyo in uu yahay nin hawl-qabad leh, waayo hadii uu go’aamo qaadan waayo, kuwaas oo ku dhisan aqoon iyo hilaadin fog, waxa uu noqonayaa ri’ isnuugta, oo aan madhax iyo dug midna lahayn.

Waxa dhaba in hogaamiyuhu qaado talaabooyin dhaba, una qaado dhanka wanaaga isaga oo si dhaba ugu taagan cagihiisa, kana duulaya in uu jirida u siibo waxan ku mudan jidhka bulshadiisa, waxana inaga marka ay tahay ugu horeeya waa qabyaaladan aadka u xadhko siibatay, ee gaadhay in waxa aad tahay iyo kartidaada lagu xidho reerka aad tahay, taasina maaha wax haboon, ee waa dabar shakaalaya in aan si sugan aan u talaabsano, una dhaqaaqno dhanka dhigeen u dhaqaaqay.

Hadaba iyada oo taasi tahay, maxaa qofka caynaanka inoo qabanaaya looga baahan yahay in uu qaado, oo aanu ka maagin, bulshadana waxa tar iyo dheef u soo biirtay noqonaaya

1- Qaramaynta Qabyaalada

Waxa dhaba in qarankeenu qarameeyay waxa yaabo badan haba ugu mudnaadaan ciidan beeleedyadii, taas oo ah guusha ugu weyn ee qarankeenu gaadhay, oo ay ka dhalatay go’aan adag oo uu qaatay Madaxweyne Cigaal, kana dhabeeyay midaas, iyada oo lahayd waayaheedii iyo dhamaan hawlihii ku gadaanaa, hadaba waxa haboon in qaramayntaas oo kale lagu sameeyo qabyaalada, oo lagu badalo kartida iyo waxa qofku qaban karo, iyo hawlaha uu soo qabtay iyo ma qqaban karaa hawshan, mase yahay ninkii ku haboonaa, ee aanay noqon reer hebel iyo reer loox, hadiiba se qofnimada oo dhami ku biyo shubato reerka aad tahay, ee ogaw adiga aqoon yahanka sheeganaya iyo kan kale wax aad ku kala gadisan tihiin ma jiro, waxan dhab in aan sida ay u tahay maahmaadu uga dhabayno oo ah ragu magaca guud iyo magta waa ka siman yaha, ee waxa uu ku kala sareyaa, waa kartidiisa iyo waxa uu xambaarsan yahay, ee ka guuxaya gudihiisa, kasmadiisuna inta ay tahay.

Iyada oo taasi tahay halbeega qofnimo, ee dadku ku kala saraynayaan, waxa iyaduna meesha taal in si dhaba, loogu fuliyo hab-nololeedkeena bulsho, oo aanay noqon erayo lagu af-gobaadsado, waxan ugu mudan oo laga qaramayn karaa waa in hogaanka maanta jiraa, ku qaybiyo xilalka qaranka maxaad taqanaa iyo ma tahay kii hawshan ka soo baxayay bulshadana midho uga keenayay hawshan, hadii se ay ahaato sida taladu maanta tahay, waxa aan ku sugnaanaynaa waxan maanta jira, cali iyo cumar uun baa is-badalay ee maxaa bulshada u soo kordhay sawtan halkeedii taagan, tabashadiina tahay tii cali kaga tagay, se waxa ay ahayd hadii cali cumar badalay in cumar la yimaado tabo iyo xeelado cusub oo uu wax kaga qabanaayo dhibaatooyinkii cali xalin waayay dee cali ha iska joogo hadii aanu cumar dhaamayn.

2- Furdaaminta tabashooyinka bariga

Tabashooyinka ka taagan bariga Somaliland waa tabashooyin, dhaafay amintii lagu lafa-guri lahaa, se caano daatay dabadood la qabay, waa in habka iyo hanaanka hada lagu wado ee ah kala xadxadka bulshada ku dhaqan gobolada bariga laga daayo oo lagu daro hab kaas mid dhaama oo ah in baahiyaha nolosha dadkaas kor loo soo qaado, iyada oo la isaga garaabayo, waxa dhabta ah ee jira, si loo wada gaaadho hawraar u wada cuntanta labada dhanba, hadii kale waxa ay ku tahay qarankeena Somaliland dhiib-bax dhaqaale iyo dhaqan.

Waxan aan sidaas u leeyahay bulsho waxa la hogaamin karaa

3- Kobcinta kaabayaasha nolosha

Noloshu gunta ayay ka unkantaa, ee maaha wax dusha laga keeno, oo hoos u soo dagta, taasna waxa kaliya ee ay ku hano-qaadi kartaa waa iyada oo kaabayaasha nolosha bulshadeena kor loo qaado, oo ay ugu mudan yihiin.

@- kobcinta garaadka aqooneed ee bulshada, taas waxaa ka dhalanaaya in bulshadeenu hal meel u wada jaan-qaado, hayaankooda garaadna mid yahay, waana waxa ugu mudan ee bulsho wax ku wadaagi karto, si taas loo gaadho waxa haboon in dhidibka loo taago, aqoontii halkaas ina gaadhsiin lahayd, oo ay kaw ka tahay in waxbarashadeenu leedahay abaar sugan, oo ay ka duulayso iyo higisi ay u hayaamayso, hadii se ay tahay aqoon iska dhex-furan midho baddani inooga soo bixi maayaan, waxana aan halkan aniga oo lugahayga ku taagan aan si cad u qeexayaa, Somaliland barigeeda iyo galbeedkeedu isku koboc-aqooneed maaha ee waxa cad I qarankeenu dhan kaliya ka raran yahay, ee qalbeedku ha u gurmado bariga, iyadoo laga bilaabayo kobcinta garaadka bulshadeena bariga.

@- korinta dhaaqaalaha bulshadeena siiba dadka miyiga, waxaa dhaba oo bulshadeenu waxa ay ka kooban tahay magaalo iyo miyi, taasina waa mid aan ab’ ka soo gaadhnay, waana dhaxal iyo kayd aqooneed oo inoo gaara, hadaba iyada oo taas aan ka shidaal-qaadanayno, waxaa in aan kaabayaasha nolosha dadkeena miyiga kor u soo qaadno, waxana ugu horeeya,

#- Kobcinta faya-dhawrkooda guud dad iyo xoolaba

#- Kobcinta garaadkooda aqooneed, siiba habkooda wax dhaqasho hadii ay tahay bar iyo beerba.

@- shaqo abuurid dhaba, tani waa nabar ka mida nabarada ugu waaweyn eek u yaal jidhka qarankeena Somaliland, waxan uu kaga yaalaa lugta oo qaranku waa u dhutinayaa nabarkaas, waxan uu kaga yaalaa aan si toosa u abaaree dhalinta, oo ah lugaha qaran ku socdo iskuna taago, hadii se lugta dhaawac ku yaal waa hubaal in qaranku yahay naafo, ee dhalinta maan u gurmano, hadii taas la helo waxa furdaamismaaya nabaro badan oo ku yaal jidhka qarankeena, oo ay ugu mudan yihiin .

#- Nabad-galyada, hadii dhalintu shaqo hesho siiba intooda wax baratay inta aan wax barana loo sameeyo farsamooyin ay ku xoog-sadaan, waxa hubaal in la gufeeyay godad badan oo lag soo gali lahaa kala-kicinta iyo sul-daarisata daganaanshaha maanta qarankeenu haysto Eebe ha waariyee.

#- koboc dhaqaale, xoogaas aan hada hawl aan qaban marka laga shaqaysiiyo waxa halkaas ka dhalanaaya in koboc dhaqaale u soo biro bulshada iyo qaranka guud ahaanba, taasina ay noqoto xoog riixaya geediga horumarineed ee dhaqan dhaqaale ee bulshadeena, si taas loo helo waxa haboon in aan aqoonta ku xidhno dhaqaalaha yare e aan hada hayssano, hadii aan sidaas yeelno, dhaqaalaheenu waa korayaa, waayo lacag socota ayaa wax soo saarta oo wareegaysa, ee lacag meel iska taalaa waa dhamaan sida wax looga soo saarayo.

3- In uu yahay qof si gun dheer u yaqaan siyaasada arimaha dibada.

Gunta iyo halka ay siyaasada arimaha dibadu ka tolantaa waa, tan gudaha oo si haboon loogu guulaystay, lana xanaf iyo xagasho tiray, waayo waa waxa aaad golayaasha aduunka iyo madalaha aad la hor-tagayso, hadii se siyaasada guduhu kaa dulin badantahay oo tabashooyinku is dhaafeen, walibana tabashooyinka ayaa kala liitee, ay tabashadu gaadhay heer ay xasiloonida iyo wada jirka bulshada dhaawac gaadhsiiso, waa kugu adkaanaysaa in aad lib weyn aad ka keento siyaasada arimaha dibada.

Iyada oo taasi gun-dhig u tahay, waxa kale oo indhaha siyaasada arimaha dibada lagu tilmaamaa waa in qaranku lee yahay qorshe (strategy) taas oo qaranku si cad u meel dhigay kala hor-meeyay sida iyo qaabka uu noqonaayo xidhiidhkiisa dibadu, hadii kale waxaa qarankaasi siyaasadiisu tahay waa indhoole gabanaaya hadaba marka ay dhirbaaxadu ku dhacdo.

Hadaba aniga oo gunta u soo dagaaya, maxaa laga rabaa ninka caynaanka inoo haya ama inoo qabanaaya in uu ka qabto siyaasada arimaha dibada.

1- In uu yaqaan cida Somaliland wax kaga maqan yihiin iyo cida aan waxaba kala maqnayn,

taas oo ah in uu si gun dheer u kala yaqaan qaramada iyo madalaha Somaliland danta weyn u leh, hadii se uu taas garan waayo waxa ay ka noqonaysaa siyaasadiisu mud uu ka lumay yoolkii iyo abaartii ay cagta saari lahayd.

2- In uu yaqaan cida Somaliland danta ku qabta iyo cida aan ku qabin,

Taasana waxaa ka dhalanaaya in uu si gun-dheer u ogyahay, cida danta inagu qabta se aan inaga danta buuran aan inagu qabin, ogawna siyaasada arimaha dibadu waa cid dan kugu qabta iyo cid aad dank u qabtidi, waxan guusheedu ka dhalan kartaa hadba sida aad dantaada aad uga koraysiiso danta ay kugu qabaan, hadii se aad weydo xeelad aad ku saraysiiso taada ogaw udubka ayaa lagugu riixayaa, waxana aad u noqonaysaa kuwa danta kugu qaba hangool ay ku oodaysi doontaan, hadii se la isku oodaysi tago, labada dhinacna ay danahooda isu garabsadan, waxa halkaas ka dhalanaaya guul wada-jir ah (win-win policy) taasina waa ta ugu macaanka iyo waarida badan.

Waxa kale oo intaas inaga Somaliland ahaan inoo dheer in qarankeenu yahay mida aan ka mid ahayn bulshada adunka (international community), taasna waxa keenay qarankeena oo aan loo aqoonsan in uu yahay qaran (state).

Si hadaba looga baxo taas waa in raga hogaaminta haya ama u xaytay in ay hogaamiyaan, ay bulshada u soo ban-dhigaan war-celinta ka imanaysa maxaa qarankeena loo aqoonsan waayay? Waana mida laf-dhabarta u ah siyaasada arimaha dibada, weydiintaas oo aan laga war-celina waxa fadhiid u ah qarankeena iyo waxa aan mudadaas dheer xoog iyo xoolaba aan soo galinay, ee hogaamiye noqo mid taasi u tahay mida ugu mudan ee aad si aqoonayssan aad u soo ban-dhigto, hadii kale ha iska qoyn, hana soo dinaahiyin, adiga oo leh waxan ahay hogaamiye raba in uu bulshadiisa guul u dhalin kara.

Waxan hadaba aan ku soo ooday qormadan, hadal ku socda bulshada aan ka dhashay, aniga oo sic add ugu sheegaya, oo ku leh yaanu malin kasta la inagu guurin oo mid xanuunka xil-raadisku ku dhacay oo aan karti iyo hayalsamida hogaamineed dibada ka hurdaa inagu dhaqmin, ee aan ragan yaacaya aan iska hubino, ninka inoo raraya ee hadan inoo furaayana aan ka xulano, ragaasina waa jiraan waan joogaan, iyagaana u hadhaaya hogaaminta iyo garabka qabashada bulshada Somaliland.

Guul iyo raagid waxaa leh aqoon-yahanka dhaafay qabyaalada iyo in uu noqdo midd aqoontiisa ugu dhaamiya calooshiisa, kana taliya hadimaynta iyo jalaafaynta bulshada uu ka dhashay, kaas baana hogaamiye dhaba ah.

Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan

Bartay Aqoontaka Xeerarka

21/05/2014

 

Comments are closed