|

Xuutiyiinta oo Guul Taariikhi ah ka gaadhay Qabsashada Magaalada Cadan

Cadan 03.April 2015 (SDN/QJ)- Dagaalyahanada kooxda xuutiyiinta ee reer Yemen ayaa Xalay  qabsaday aqalkii madaxtooyada ee Magaalada Cadan ka dib dagaal saacado socday oo ay la galeen taageerayaasha Cabdo Rabbo Mansuur Haadi

yemen-army-officerjpg-2f17a1fa0e35629bWakaalada Wararka ee France press ayaa xaqiijisay qabsashada kooxda Xuutiyiinta ee qasriga madaxtooyada ee magaalada cadan, xilli mas’uul sare oo ka hawlgala Qaramada midoobay una dhshay dalkaasi Yemen uu sheegay in kooxda xuutiyiinta iyo xulafadooda shiicadu ay galabta qabsadeen Xaruntii Madaxtooyada ee magaalada Cadan,  iyadoo dad goobjoogayal ahina ku waramayaan in maleeshiyaadka xuutiyiinta oo wata gawaadhida gaashaaman ee dagaalka iyo gaadiidka ciidamada qaada ay gudaha u galeen aqalka madaxtooyada ee Magaalada cadan ka dib markii ay dagaal kulul kaga saareen maleeeshiyaadkii taageersanaa Madaxweyne Haadi oo todobaadkii hore u baxsaday dhanka Dalka Sucuudiga.

Dhankeedana Boqortooyada sucuudiga oo horkacaysa duulaanka dhanka cirka ee ay isbaahaysiga carbeed ku hayaan kooxda xuutiyiinta ayaa waxa ay sheegtay in askari sucuudi ah lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay kooxda xuutiyiintu ku soo qaadeen Xuduuda sucudiga, askarigaa oo noqonaya kii ugu horeeyey ee u dhashay boqortooyada Sucuudiga ee xuutiyiintu dilaan tan iyo markii ay sucuudigu bilaabeen duqaynta dhinaca cirka muddo todobaad ah ka hor.

Cadan SDN/QJ

Comments are closed