Xusuustaydii Abwaan Gaariye
Hadduu go’ay Gaariye
Hadduu holaday maalintii
Ma goblamin hawraartii
Ma haggasin taariikhdii
Magacii halmaami maynee
Allahii halyeygaa uumow
Naxariista sii hanadkaa
Waxan la qaaba ummada Soomaaliyeed gaar ahaan somaliland tiiranyada tacsida halyeeyga Qaran ee ka baxay geeska africa, Illahay waxan uga rajaynaya naxariistii janno, inagana samir iyo imaan inaga siiyo Wuxu ahaa Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac(Gaariye )AHN nin ummadda hawlo badan u hayey, wuxu ahaa abwaan ku xeel dheer curinta suuganta, wuxuu ahaa saaxiibkii Hadraawi u qiray inuu ahaa curiyihii miisaanka maansada, macalin in wakhti ah ummadda barayey Afka Hooyo, wuxu ahaa aftahan Illahay haybad u siiyey wax fahamsiinta iyo aqoon yahan cilmiga Sayniska Jaamacadiisii kagasoo takhasusay.
Anigu Marxuumka AHN waxanu ahayn jaar intii aanu reerka dambe yeelan, wuxuu ahaa macalinkaygii jamacada hargeysa, waxaanu ahayn dad aqoon guud iyo tu gaaraba isku lahaa.
Waxa badan ummadda reer Somaliland iyo soomaaliyeedba leh ee ka hadlaya qofka u ahaa Marxuum Gaariye AHN oo kaga waramaya waxqabadyadiisi badnaa, balse anigu waxaan halkan ka shegayaa wixii aan ka arkay Abwaanka AHN habeen aanu iska so raacnay Jaamacada Hargeysa.
Anigoo kasoo baxay jaamacada sugayana bas ii qaada xagii xafadda, ayaa waxa I arkay marxuumka oo isaguna kasoo baxay jaamacada, wuxuu igu yidhi “ waryaa ibnu cabdiraxmaan ina mari” waan usoo dhaqaaqay si aan u raaco, (ma ahayn habeenki ugu horeyey e aan raaco), sidii dhaqanka u ahayd waxa fuushanaa gaadhiga laba arday oo midi xaga hore fuushan yahay ka kalena xaga dambe, aqoon umaan lahayn labada arday, balse waxan ogaa in Abwaanku aanu dhaqaaqi jirin ilaa inta u qaadi karo ka furto dhagarta baska ee maalin walba ku sugaysa, markaanu dhaqaaqnay ayaa waxa la galay s
alaadii cishaa’i, Sheekhii tukinayey salaada ayaa wuxu akhrinayey suurada la idha suratul buruuj, markii uu akhriyey afarti ayadood ee ugu horeyey ayaa gaadhigii oo socda waxa nasoo eegay marxuumka dabadeed si cajiib ah nooga waramay qisada suurada, wuxuu sadex macno ku sheegay aayada ugu horaysa suurada oo uu noo sheegay inay culimada Qur’aanka fasirta qoloba macno ku fasirto, waxanan ilobayn aqoontu u lahaa diinta iyo siduu Alle SWT haybada ugu siiyey Afka Carabiga isagoo hodan ku ahaa marxuumku AHN.
W/Q. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub