|

Xusuus Dib u Dhugo Qaabkii uu Siilaanyo uga Jawaabay Markii Madaxweynihii Hore ku soo Celiyay Xubintii ay u soo Xuleen Komiishanka Doorashada

Hargaysa 09.Oct 2014 (SDN/QJ)- Waxaa Afartii Caano Maal ee u danbeeyay Saaxada Siyaasada Somaliland laga hadal hayaa Ismaandhaafka ka Dhex Oogmay Xisbiga Waddani iyo Madaxweyne Siilaanyo oo Salka Ku Haya Sababaha uu u Cuskaday Dib u Soo Celinta Xubintii uu Xisbiga Waddani u soo Xushay Ka Mid Noqoshada Komiishanka Doorashooyinka Somaliland oo Tiraba laba Jeer uu Madaxweynuhu soo Celiyay .

Taariikhdu Iyadaa is Qorta Shan Sanno ka Hor ayay dhacdadani ina Soo Martay Taas oo Wakhtigaas u dhaxaysay Madaxweynihii Hore ee Somaliland iyo Xisbiga Kulmiye oo uu Xiligaas Gudoomiye u ahaa Madaxweynaha Haatan haya Talada Somaliland Qadiyada Maanta taagan ayaa Markaasna Oognayd .

11.Bishii Oct 2009 ayaa Gudoomiyihii Xiligaas ee Kulmiye haatan ah Madaxweynaha Somaliland uu Ka Jawaabay Asbaabaha uu Madaxweynihii Xiligaasi ugu Soo Celiyay Xisbiga Kulmiye Xubintii ay Komiishanka u soo Xuleen .

Waana kan Jawaab Celintii Siilaanyo.

Qoraalkan jawaab-celinta ah oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isla markaana nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somaliland.Org, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Mudane Madaxweyne,

siilaanyooooooooooooooooTixraac warqaddaada sumaddeedu tahay JSL/M/GXK/009, ee ku taariikhaysan 10/10/09, kuna saabsan soo celinta dhinacaaga ka timi ee Xubinta Xisbiga KULMIYE u soo xulay KDQ Marwo Alhaan Maxamed Jaamac.

Haddaba, Mudane Madaxweyne, kuma hayno shuruucda dalka meel awood kuu siinaysa inaad kala shaandhaysid xubnaha loo xulayo KDQ, taasoo cidda keliya ee sharcigu awood u siiyey tahay Golaha Wakillada JSL.

Sida ku cad waraaqdaada xogta aad u cuskatay inaanay  Xubintaasi (Alhaan) buuxin shuruudaha, maaha mid ku salaysan xog-ogaalnimo

Laga bilaabo Shirweynahayagii Hargeysa March, 2008, iyo kii Golaha Dhexe ee Xisbigayaga Burco August, 2008, waxa jira xubno muhiim ah oo ka mid ahaa  Guddiga fulinta iyo Golaha Dhexe ee Xisbiga oo ka tegay Xisbiga, kuwaas oo qaarkood Ururo furteen, qaarkoodna Xisbigaaga ku biireen, qaar kalena danohooda gaarka ah uga tageen Xubinnimadii Xisbiga, kuwaas oo ay ka mid ahayd Alhaan Maxamed Jaamac, eeg lifaaqa la socda qoraalkan.

Mudane Madaxweyne, waxaan kaa filayaa inaad ku qanci doonto qoraalkeygan.

Sidoo kale, Mudane Madaxweyne waxaan kaa rajaynayaa in laga fogaado wax kasta oo caqabad ku noqon kara habsami-u-socodka heshiiskii lixda qodob ka koobnaa.

Waxaan kaa rajaynayaa inaad Xubnaha Komishanka sida ugu dhakhsaha badan ugu gudbiso Golaha Wakiillada si ay waajibaadkooda sharci uga gutaan. “

GUJI HALKAN SI AAD U AKHRIDO QORAALKANI MAALINTII UU SOO BAXAY

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed