|

Xuskii 18May 2013 ee Dabaal-Degii 22aad ee Ka-soo wareegtey Gooni-Isu-taagii-Qaranimada Somaliland iyo London

London May 19,2013(SDN)-Waxa Maanta oo Taariikhdu tahay 18/5/2013 oo loo dabaal degaayey 22 Guuradii ka soo wareegtey Gooni-isu taaga Qadiyada  Qaranka Somaliland Xaflada ah Dabaal-deg balaadhan oo  Ilyartu is-qabatey loogu qabtey    Garoon ka mid ah Garoomada Waa-weyn ee kubada Cagta lagu ciyaaro oo ku-yaala Waqooyiga magaalada London.

Waxaa Fagaaraha Xaflada  Kudbad Qiiro iyo Qiimo leh ka soo  Jeediyey Musharaxa Xisbiga Daryeelka iyo Caalada ee UCID aqoonyahay Mudane Jamaal Ali.Hussein  Waxaa Jamaal Khudbadiisa uu ku-bilaabey  Sida ay shacabka reer Somailand ay Wax-u-qabsadeen ee ay ku gaadheen Heerka aan la dafiri karin ee ay maanta marayaan.

Waxaa uu Jamaal uu Goobtaa Fagaaraha uu si Qiiro Xanbaarsan uu ugu Cel-celiyey in Madax-banaanida iyo Gooni-isu-Taaga Somailand ay Tahay Lama Taab-taan, Taas uu yidhi waxay Qadiyada iyo Qaranimada Somaliland ku timi Ga’aan Mideysan oo ay Qaateen Bushoweynta Reer Somaliland.Waxaa uu Musharax Jamaal uu Khudbadiisii ku soo Af-meeray in, Maanta Somaliland  aaney cidna u-baahneyn ee ay  u-baahan-tahay uun Illahey ( Sub-xaanaa-Wa-tacaalaa).

Alleh ayaa Mahad leh,
Tebiye: A/rahman Fidhinle
Norh-West London
UK

Comments are closed