Xuska Maalinta Mallaariyada oo Maanta Adduunka Si weyn looga Xusay
New York :20- Aug-2013-(SDN) -Sanad kasta waxa dunida looga dabaal degaa maalinta kaneecada Adduunka oo loo Asteeyay maanta oo kale oo dunida oo dhan laga xusayo.
Maalintaa ayaa loo Aqoonsaday sanadii 1897 xilligaa oo dhakhtar ka soo jeeda Dalka Uk oo la yidhaahdo Sir Ronald Ross ogaaday in dhiidhigga kaneecada uu gudbiyo Cudurka Duumada oo saameeyey Boqolaal qof.
Goobaha ugu badan ee Cudurkan Duumada laga helo ayaa noqtay dalalka ku yaal Wadamada Saxaraha ka hooseeya ee qaaradda Africa halkaas oo la sheegay in dad badan Cudurkaa duumada soo ritay qaarna u dhinteen.
Dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah Goobaha Cudurkaan duumada ee ka dhasha kaneecada saamaynta wayn ku yeeshay, waxaana sanad kasta uu soo ritaa boqolaal dad ah oo iskugu jira Caruur iyo dad da,a ah kuwaas u geeriyooda.
Dhaqaatiirta aduunka ayaa sheegay in Cudurkaa duumada uu fara kulul ku hayo aduunka waxa uuna sababaa sanad kasta in ay u dhintaan in ka badan 6,740 oo ruux kuwaas oo gooba kala duwan ku dilo.
Inkastoo dawooyin badan iyo waxyaabo badan oo lagaga hortago la sameeyey haddana wali waa la yarayn kari la’yahay tirada dadka u le’anaya cudurkan.
Somalidiasporanews.com
Contacta@somalidiasporanews.com