Xuska Maalinta Ciidanka Xooga dalka Somalia oo lagu qabtay Garowe
Garowe 13.April 2014 (SDN)- Munaasibad lagu xusayo maalinta ciidanka xooga dalka Somalia ayaa maanta lagu qabtay magalada Garowe xarunta Puntland.
Xuskan oo ka dhacay xeradda ciidamada 54-aad waxaa kasoo qayb galay madaxwayne ku xigeenka Puntland,saraakiisha ciidanka iyo dadwayne kale waxana ciidanka xerada ku jira ay soo bandhigeen dhoolatis kala duwan oo ay ku maamusayan maalinta ciidanka la aasasay oo maalinkii shalayad ku beegnayd.
Ku xigeenka Taliyaha ciidanka Daraashiista Puntland Gen.Dayir Xaaji Cabdi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin xuska ciidanka Somalia wuxuna madaxwayne ku xigeenka u sheegay inay ciidanku yihiin lafdhabarka dalka xili kastana u taagan difaaca dadnimadda.
Xaliimo Cali Biyood oo ka mid ah waalidiinta Gobalka Nugaal ayaa sheegtay ciidanku inay qabaan daruufo kala duwan oo aan lagu daawan karin,waxayna madaxwayne ku xigeenka usoo jeedisay inay si dhab ah uga warqabaan xaalada ciidanka oo hormarin u baahan.
Madaxwayne ku xigeenka oo munaasibada xuska khudbad ka jeediyay ayaa tilmaamay inay xukumaddu Cabdiwali ka go’an tahay sidii tiro koob rasmiya loogu samayn lahaa ciidanka si wax looga qabto baahiyaha dhanka dhaqalaha,waxbarashada iyo caafimaadka
Caruurta ciidanku ay dhalleen ayuu balan qaaday inay lacag la’aan uga dhigo doonaan dugsiga hoose iyo dhexe si aqoontooda kor loogu soo qaado.
Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa la aasasay 1960-kii wixii ka danbeeyay burburkii dalka ka dhacayna ma helin daryeelkii ciidan ee ay horay u halaan jireen.
Garowe SDN.
Contact@Qurbejoog.com