|

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee AIDS oo Hargaysa lagu qabtay iyo Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlay

Hargaysa 01.Dec 2013 (SDN)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuriyada Somaliland Mud, C/raxmaan  C/lahi Ismaaciil Saylici, ayaa maanta ka qayb galay Xuska maalinta AIDS-ka Aduunka oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Musnaasibadda Xuska oo ay ka soo qayb-galeen,Wasiirka wasaarada Ciyaaraha,Wasiir Xigeenka Wasaarada Caafimaadka,Madaxa Barnaamijka  AIODS-Ka  Somaaliland ugu qaabilsan  Hay’adda UNICEF ,Madaxa hay’adda Caafimaadka adduunka ee S/land iyo Agaasimaha  Fulinta  Commession-ka AIDS Qaranka,iyo hay’adaha iyo Urada ka shaqeeya  HIV/ADISka.

Saylici SaxHadal uu halkaasi ka jeediyey Madaxweyne ku xigeenku  Waxa uu sheegay,In cidurka AIDS-ku uu yahay asiibo uu caalamku  Wada dareemay, dhibaatadiisana ay aad u sii dareemeen Wadamada soo koraya ee dhibaatooyinku ay ku badan yihiin. Waxaanuu Madaxweyne Xigeenku  tilmaam ka bixiyey mar-xaladihii aynu soo maray   ee ku  saabsanaa  xakamaynta cudurka aids ka ,  waxaanuu xusay in loo  Gudubnay marxalad aynu  is leenahay  dedaalkiinii dheeraa   ayaa maanta ku xakamayn kartaan cudurkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Mud,Cali siciid Raygal iyo Wasiir xigeenka Caafimaadka  Nimco Xuseen Qawdhan oo iyana halkaa ka hadlay, ayaa waxa ay dhalinyarada  uga digeen Cudurkaa halista ah, waxaanay  u soo jeediyeen inay ku dedaalaan Guurka oo ah ayey yidhaahdeen Gaashaanka dhabta ah ee lagaga hor tegi karo Cudurkaas Aafada ah.

Madaxa Barnaamijka  Cudurka HIV/ADIS-ka Somaliland ugu qaabilsan S/land  Hay’adda UNICEF Cabdirashiid  Xaashi,  ayaa isna waxa uu si balaadhan uga waramay Cudurka  AIDSka iyo Hoos dhaca  haatan laga gaadhay,  Hoos u dhacaas uu  sheegay inuu ku yimi dedaal  ay u dhan yihiin, Xukuumadda S/Land,Hay’addaha iyo Ururada Bul-Shada iyo helitaanka dawooyin  kara Fayruskii iyo faafistii Cudurka.waxaanuu xusay inay  helaan dawadaasi dad gaadhaya kun iyo laba boqol oo qof.waxaanuu sheegay in ay mudan tahay in loo mahad naqo  Dawladda Somaliland oo ka soo saartay siyaasad cad oo lagula tacaali karo Cudurka iyo Inaynu markasta qiimayno hadba heerka uu marayo dedaalkeenu. Waxa kale oo iyana halkaa ka hadlay Agaasimaha Fulinta ee  Commession-ka  AIDS-ka Qaran  iyo Madaxa hay’adda WHO , waxaanay  ka warameen dedaalka loogu jiro xakamaynta Cudurkaasi iyo sida loogu baahan yahay in la sii xoojiyo, iyada oo  ay tilmaameen inay haboon tahay In  layska saaro  Cuqdada  dadka cudurka la  nool oo aan ka takorin.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed