|

Xuska Maalinta Biyaha Adduunka oo Somaliland si weyn looga Xusay Xili lagu Jiro abaar Xoogan

Hargaysa 21.March (SDN)  Munaasibad  lagu xusayey Maalinta Biyaha aduunka oo kubeegan maalinta berrito ee Jimcacaha ah,    ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Beerta Xoriyada ee magaalada Hargeysa.

Munaasibada Xuska maalinta Biyaha aduunka  oo ay ka soo qayb galeen wasiirka wasaarada Beeraha , Agaasimaha Guud ee wasaarada Qorshaynta,ku simaha agaasimaha Guud ee wasaarada Mac-danta iyo biyaha iyo hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin , waxa ugu horayn halkaa ka hadlay wasiirka Beeraha  Prof, Faarax Cilmi Geedoodle, isaga oo  ku dheeraaday   qiimaha  ay biyuhu u leeyihiin nolosha iyo horumarka. Waxaanuu wasiirku sheegay in hal qabsiga sanadkan ee la xidhiidha mudnaanta biyuhu  uu yahay: Is-kaashiga xagga  Biyaha  ayaa lagu gaadhi karaa Horuumar.

Mud, Geedoole, waxa uu intaa raaciyey  in Wasaaradda keliya oo ah wasaarada Mac-danta iyo Biyaha aanay  keligeed dabooli karin Baahida loo qabo biyaha.waxaanuu wasiirku sheegay in Biyaha  dhulkeena hela xili roobaadka  ay u dhaafaan dhinaca badda  oo aan laga faa’iidaysan. Sidaasi darteedna loo baahan yahay in biyaha ina dhaafaya aynu  kafaa’iidaysano.

Agaasimaha Guud ee wasaarada Qorshaynta Qaranka ,oo isna  munaasibadaa xuska maalinta biyaha adduunka  ka hadlay waxa uu  tilmaamay in   biyuhu ay yihiin nolosha aadamaha iyo noolaha kaleba, meeshii aanay biyo jirina  aanay nololi jirin.

Agaasimaha Guud  waxa  uu sheegay in wasaaradda qorshaynta Qaranku ay hore u samaysay qorshaha shanta sanadood, qorshahaasi oo uu sheegay in  ay mud-naanta siiyeen Biyaha.waxaanuu intaa ku daray in ay lagama-maar-maan tahay in biyo xidheeno la hirgaliyo  si aynu ula soo baxno  wixii aynu  quudan lahayn ,waxaanuu sheegay inay xukuumadda ka go’an tahay  siday wax uga qaban lahayd dhinaca biyaha.waxa kale oo ka hadlay halkaas mas’uuliyiin ka kala socday hay’adaha caalamiga ah ee munaasibadda ka soo qayb galay.

Agaasimaha Waaxda Macdanta ee wasaarada Mac-danta iyo Biyaha,ahna ku simaha  Agaasimaha Guud ee wasaaradaas Mud, ibraahim shire Maxamed  ayaa isna munaasibadaa ka sheegay,inay jiraan dedaal iyo qorshayaal  lagu hor marinayo  sidii caasimadu u heli lahayd biyo ku filan.waxaanuu ka waramay dedaalka wasaarada ee dhinaca biyaha.

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed