Xuska Dhalashada Ras’uulkeenii Suubanaa ee Muxamed NNKH oo Beri ku Beegan iyo Xukuumada Somaliland oo Fasax Qaran Iclaamisay
Hargaysa 12.Jan 2014 (SDN)- Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada JSL ayaa Warsaxaafadeed ay saartay oo nuqul ka midi uu soo gaadhay xafiiska Shabakada Qurbejoog.com ee Hargaysa Waxaa lagu sheegay in munaasibada dhalashadii rasuulkeenii suubanaa , naxariis iyo nabad galayo korkiisa ha ahaatee oo ku began maalinta beri oo bisha janaury ay tahay 13 awgeed shaqaalaha somaliland ay fasax ka yihiin shaqooyinka.
Warsaxaafadeedka oo ay ku saxeexantahay wasiir ku xigeenka wasaraardaasi marwo shukri xariir ismaaciil ayaa lagu sheegay in maalinta isniinta ah ee beri oo taariikhada hijriyadu ay tahay 12 rabiicul awal sanadka 1435 islamrkaa ku began 13 janaury 2014 in shaqaalaha somaliland ay fasax ka yihiin shaqooyinka islamrkaa wasaaradu ay ku hanbalyeynayso bulshada somaliland munaasinabada dhalashada rasuulkeenii suubanaa [ scw]
Geesta kale hayada shaqaalaha dawlada jsl ayaa iyana soo gaadhsiiysay xafiiska wakaaladda wararka ee solna war saxafadeed kazoo baxay haydaasi kazoo lagu wargalinayo shaqaalaha dawlada in munaasibada dhalashada rasuulkeenii suubanaa awgeed [csw] ay maalinta beri ah oo bishu ay tahay 13 janaoury 2014 ay fasax ka yihiin shaqooyinka qaranka , warsaxafadeedkaas oo uu ku saxeexnaa gudoomiyaha hayada shaqaalaha dawlada md nuux sheikh muuse ducaale isagoo geesta kale ku bogaadiyay shaqaalaha dawlada munaasibada xuska dhalashada rasuulka [ N N K H A ].
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com