|

Xuska Dhalashada Nebigeenii Muxamed oo si weyn looga xusay dalka Somaliland

Hargaysa 24.Jan (SDN)

Madaxweyne Ku-xigeenka Jsland Mud,C/raxmaan C/laahi Saylici ayaa manta  ka qayb galay  Munaasibad  lagu waynaynayey   Xuska dhalashada Nabigeenii Suubanaa ee Muxamed NNKH oo ku beegan maanta oo bisha Rabiicul- awal ay tahay 12,1434 Hij, oo  Ka dhacday huteel maansoor ee magaalada Hargeysa. 

Munaasibadan oo si weyn loo soo agaasimay waxa ka soo qayb galay,Culimaa’u-diin Salaadiin,Madax-dhaqameedyo ,Gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Cirro, M/weyne ku-xigeenkii hore JSL Axmed Yuusuf Yaasiin,Wasiirkii hore Diinta iyo Awqaafta Sh.Maxammed Suufi,  Siyaasiyiinta kala ah,Cali Maxamed warancade  iyo  Maxamed Cismaan dhalin yaro iyo dadweyne tiro badan.

Madaxweyne ku-xigeenka  Jsl, Mud, C/raxmaan Saylici oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka waramay qiimaha ay maalintani ugu fadhido umadda muslimiinta ah,iyo sida ay lagama maar-maanka u tahay in la weyneeyo oo la xuso munaasibadda dhalashada Nabigeenii suubanaa  ee Muxamed NNKH, munaasibadanina ay tahay mid aynu la wadaagayno guud ahaan shucuubta islaamka ,iyada oo munaasibadaas awgeed ay shaqaalaha dawladu fasax ka yihiin shaqooyinka.waxaanuu amaan iyo mahad naq u soo jeediyey  culimaa’udiinka iyo cid kastoo gacan kagaysatay qabashada xafladan lagu weynaynayo munaasabadda dhalashada Nabigeenii suubanaa NNKH.Gudoomiyaha Golaha wakiiladda Mud, C/raxmaan maxamed C/laahi oo isna munaasibadan ka qayb galay  ayaa isna  ka hadlay doorka culimada ee xuskan iyo sida loogu baahan yahay in la weyneeyo xuskan dhalashada Nebiga.Wasiirki hore ee wasaarada diinta iyo Aw-qaafta sh.Maxamuud  Suufi  Maxamed, oo halkaasi ka hadlay ayaawaxa uu ka waramay Siiradii Rasuulka iyo sida ay lagama maar-maanka u tahay in maalintan  dhalashada Rasuulka la muuneeyo. Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Xildhibaan sh. Axmed Yaasiin Ayaanle iyo Culimadii kale ee ka soo qayb galay  xafladan ,kuwaasi oo ku dheeraaday  taariikhda  islaamka iyo  sida ay u mudan tahay Xuska Dhalashada nabigeena suuban. Waxaana halkaa laga akhriyey Qasaa’id ku taxan siiradii Rasuulka.  

Hargaysa SDN.

 

Comments are closed