Xuseen Carab Ciise: Waan wareejinay hantidii dowladda ee aan ku shaqeyn jirnay
Muqdisho Dec 14 2012 (SDN)— Wasiirkii hore ee gaashandhigga ee xukuumadii hore Xuseen Carab Ciise aya soo dhaweeyay magacaabista wasir dowlayaasha iyo wasiir ku xigeenada cusub ee shalay lagu dhawaaqay.
Xuseen Carab ciise oo haatan ah Xildhibaan ka tirsan dowladda somalia ayaa sheegay in loo baahanyahay in fursad la siiyo xukuumadda cusub wuxuuna tibaaxay in ay muhiim tahay in la sugo ilaa ay tallaabo ka qaadayaan.
“anaga waa u hambalyenaynaa wasiirada cusub waxana rajeenaa inay kasoo bixi doonaan howlaha loo igmaday ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab Ciise.
Xildhibaan xuseen Carab Ciise ayaa intaas ku daray inay arki doonaan fikraddaan cusub ay keeneen Dowladda Cusub oo fursad la siiyo xisaabtankana uu noqdo kadib marka ay wax qaban waayaan.
Dhinaca kale Wasiirkii hore Gaashandhigga Xuseen Carab Ciise ayaa dhinaca kale ka hadlay soo jeedinta ahayd in wasiiradii hore ay wareejiyaan Hantida dowladda wuxuuna sheegay in aysan jirin hanta ay haayaan isla markaasna ay wareejiyeen baaburtii ay isku ilaalin jireen ay dowladda la wareegto.
SDN-Muqdisho