|

Xus loogu baroordiiqayo Dhalin yaradii ku Geeriyootay Mudaharaadkii ay ku diidanayeen natiijada doorashada oo Hargaysa lagu qabtay.

Hargaysa 08.Jan.(SDN) Haween weynaha degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa ayaa Xukuumada uu Hogaamiyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo waxay ku eedeeyeen Mudaharaadadii ka dhacay Caasimada hargaysa kadib markii ay soo baxday natiijadii hor dhaca ahayd ee doorashadii deegaanka iyagoo cadeeyay inaanay Maskaxdooda ka baxayn barbaartii ku nafweyday Mudaharaadkii Nabadgalyada ahaa ee ay sameeyeen isla markaana ay ku Muujinayeen Tabashadooda.

Haweenka Axmed Dhagax ayaa hadlkan ka sheegay Xus baroor diiq ah oo uu soo qaban qaabiyay Urur Siyaasadeedka Xaqsoor,taas oo lagu qabtay Xarunta dhexe ee Urur Siyaasadeedkaasi ku leeyahay Caasimada Hargaysa waxaanay ku iftiiminayeen sida ay xasuustooda ugu nagi yihiin dhalinyaradii nafahooda qaaliga ah ku waayay Mudaharaadkii Salmiga ahaa ee lagaga soo horjeeday natiijadii hor dhaca ahayd ee ka soo baxday Komiishanka Doorashooyinka ee Degmada Hargaysa .

Aamina Cabdilaahi oo ka mid ahayd haweenkii halkaas ka hadlay ayaa sheegtay in Bulshada ku dhaqan Degmada Axmed Dhagax in aanay sinaba uga tanaasulayn raadinta Xuquuqdooda aasaasiga ah.

Haweenaydani waxay intaas ku dartay in degmadooda aanay metelin sida ay tidhi Salaadiin u Guureeya Madaxtooyada,iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo dhalasho ahaan ka soo jeeda degmada Axmed Dhagax ee caasimada Hargaysa .

Geesta kale Xaliimo Tahar oo ka mid ahayd haweenkii Xuska baroor diiqda ah ka hadlay ayaa tacsi u dirtay Qoysaskii ay ka baxeen Marxuumiintii ku geeriyooday Mudaharaadkaas ee ay laayeen sida ay Tidhi Ciidamada Amaanku,Waxaanay intaas ku dartay in Urur Siyaasadeedka Xaqsoor aanu hadhayn si kasta oo loo Shaaciyo Xisbiyada ku Guulaystay doorashada.

Sidoo kale Qaar ka mid ah haweenka degmada Axmed Dhagax ayaa Muujiyay sida ay uga Xun yihiin in Ciidamadii ilaalinayay nabadgalyadu ay ku sifoobaan kuwo dhiiga dhalinyarada daa’dinaya.

Hargaysa SDN

Comments are closed