Xus loo sameeyay Marxuun Cigaal oo lagu qabtay Hoolka Jaamacada Hargaysa
Hargaysa 03.May (SDN) Xus loogu baroor diiqayo Sannad Guuradii 11aad ee Ka soo Wareegtay Maalintii uu Geeriyooday Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Somaliland Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ayaa lagu qabtay Hoolka Jaamacada Hargaysa .
Xuskan Waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Xaaji Cali Shire oo ka waramay kaalintii laxaadka lahayd ee uu Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ka soo qaatay hawlgaladii Nabadaynta,Dhismaha dawladnimo iyo hanaanka dimuquraadiga ah ee Somaliland ay ku talaabsatay,taas oo uu Xusay inaanay la’aantii suurto gal inoo noqoteen.
Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranku waxa uu ugu baaqay da’a yarta Somaliland inay ka dhigtaan Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal naxariistiisii janno eebbe ha ugu deeqee Tusaale Wanaagsan.
Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland,Gudoomiyaha Jaaamacada Hargaysa Dr Cabdi Xuseen ayaa tilmaan ka bixiyay marxaladihii adkaa ee uu Marxuun Cigaal oo ahaa Madaxweynihii labaad ee Somaliland Yeelato uu kala soo dabaashay Wadanka .
Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal oo ahayd marwadii uu ka Geeriyooday Marxuumku ayaa ka warantay aragtidiisii Siyaasadeed iyo sida aanu marnaba uga hagran Muruqiisa iyo Maskaxdiisaba Wax u qabashada dalkiisa iyo dadkiisa Somaliland.
Geesta kale Waxaa Habeenimada Caawa lagu qaban doonaa Huteel Maansoor ee Caasimada Hargaysa Munaasibad balaadhan oo lagu Xusayo Taariikhdii iyo Waayihii Nololeed ee Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com