|

Xus loo sameeyay Marxuum Cigaal kulmisay Saaxiibo hore oo is Eeday iyo Siyaasiyiin isu Duur-xulaysa

Hargeysa 09, May 2012 (Qurbejoog.com)- Xus loo sameeyay sanad-guuraddii tobnaad ee ka soo wareegtay geeridii Madaxweynihii labaad ee Somaliland marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, ayaa lagu qabtay hoteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

Munaasibadan oo si weyn loo agaasimay, isla markaana ay qaban-qaabisay Xaaskii marxuumka marwo Kaltuun Xaaji Daahir, waxaa lagu soo bandhigay Taariikh mug leh oo uu marxuumkaasi kaga tagay dunidda guud ahaan, gaar ahaan gobolka Geeska Afrika. Ragga la soo shaqeeyay ee xuskan kaga waramay taariikhda uu dalka dib u dhiskiisa u soo maray Marxuumku, waxa ka mid ahaa, Maxamed Siciid Gees oo ah maareeyaha Akadamiga nabada iyo horumarka, dawladdii Cigaalna ka ahaa wasiirka Khaarajiga. Mr. Gees waxa uu tilmaamay in ka sokow hub-ka-dhigistii iyo dib-u-heshiisiintii Somaliland uu waqti badan geliyay sidii uu dalka Somaliland u yeelan lahaa Dastuurka maanta jira oo ay dadweynuhu cod ku ansixiyeen. “Rag baa lahaa aynu shir-beeleed qabsano, laakiin, ildheerida waxaa uu ka ordayay inuu sida maanta Xamar iyo Puntland dastuur beeleed u sameysanayaan ay noqoto Somaliland.” Ayuu yidhi, Gees waxaana uu sharaxay caqabadihii kalla soo darsay arrintaasi, “Carabtii diidi jirtay waxaa haysta waad arragteen, Liibiya Qaddaafi ayaa yidhi waxaan kuu hayaa Soomaaliya oo dhan inaad Madaxweyne ka noqoto, Caydiid iyo Cabdilaahi Yuusuf ayaa xagga danbe fadhiya ee la cashee…maya buu ku yidhi agtayda ma soo fadhiisanayaan, waxa uu yidhi waxay aqbaleen inay ku xigeeno kuu noqdaan adna aad Madaxweyne ka noqoto Somaliya, wuxuu yidhi maya anigu waxaan dadkayga ku hoggaaminayaa waxay doonayaan, waxay ii doorteen dal Somaliland la yidhaa ee Soomaaliya iimay diran.” Ayuu yidhi Mudane Gees.

Marwo Kaltuun Xaaji Daahir ayaa iyana tilmaamo ka bixisay geedi-socodkii dimuquraadiyadda iyo hawshii ka gashay Axsaabta badan oo uu ka kow ahaa Xisbiga UDUB oo uu hoggaamiye u noqday, kaasoo ay dhaliishay waqtigan muranka dhexdiisa ka oogan. “Waxay igu kaliftay in aad ka hadlo, UDUB dhibaatadu waa ay la dhalatay…Marxuumku waxaa uu yidhi, markii aasaasku socday waxaan doonayaa in aanu xisbigaasi noqon, xisbi nin kalli ahi ku amar ku taagleeyo, e uu ahaan doono mid loo simanyahay…Xisbigii UDUB waxaa uu maanta u baahanyahay in la badbaadiyo…Xisbiyo badan ayaa isku dhacay waanay shaqeynayaan,” Ayay tidhi, waxaana ay tilmaantay intaan khilaafka xisbigu cirka isku  shareerin ay dareentay dhibaatadda jirta, ayna ka dalbatay in lagu maamuuso Gudoomiyaha oo marka lagu heshiiyo ciddii la doono ee kale loo doorto. “In kasta oo aanu jecleyn in guddoomiyaha iyo ku xigeenka UDUB nagala soo qaybgalaan, caawa haddana ragga kale ee UDUB ayaa ka badan, waxaan soo jeedinayaa in meel looga soo wadda jeesto ninkii diida garta labada garab…Daahir Rayaale waxaan leeyahay meel Lud lagu cunay lafo laguma ruugo” Ayay tidhi, waxaana ay ku amaantay qaabkii uu u wareejiyay xilka madaxtooyadda, Iyaddoo u jeedisay inuu markana la yimaado tanaasul.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo isna madasha ka hadlay ayaa marxuumka Eebe uga baryay inuu janadii ka waraabiyo. “In kasta oo aanan wax badan ku soo gaadhin, waxaynu ka marag nahay in Cigaal ahaa aas-aasihii Somaliland…” Ayuu yidhi Ciro.

Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aan Marxuum Cigaal Lixdankii laga dhagaysan talooyinkiisii. “Lixdankii haddii la dhagaysan lahaa maanta khasaaraha inagu dhacay inaguma dhaceen, markaynu soo noqonayna haddaan Ilaahay inoo keenin maynaan gaadhneen meel oo dagaal-oogayaal baa inagu abuurmay iyo in nin waliba reerkooda dabada-galiyo. Waxaa uu ahaa qof siyaasadda ku dhashay…illaa hadda nin siyaasi ah oo la geliyo heerka uu ka joogay Afrika oo Soomaali ahi ma jiro Maxamed Ibraahim Cigaal…” ayuu yidhi.

Waxaa uu sheegay Faysal in waqtigan lafteeda Somaliland iyo Somalia kalla taaganyihiin meel u dhiganta Lixdankii, waxaana uu yidhi, “Waxaan idiin sheegayaa laba fariimood. Middi Waa fariin ay I soo fareen qurba-jooga Somaliland oo ay leeyihiin Tv-yadda ha iska daayaan ay isku caayayaan Salaadiintu, Qaranimo maaha’e, qofku waa inuu hay’ad afkeedda ku hadlaa, kaftankii ayaa naga xumaadday ayay igu yidhaahdeen.” Ayuu yidhi waxaana uu intaas ku daray. “Halkii Lixdankii ayaynu maanta taaganahay, Dadka Soomaaliyana waxay I soo farreen, waxaa la soo qorayaa Xusuus qorkii Aadan Cabdule Cismaan, waxaa ku jira isagoo leh waar bal Lix bilood wax soo sameysta oo sugga..waxaa la ina leeyahay maantana waar bal ha soo horrina’e jooga, maantana waa la ina abhinayaa..waxaa la abhinayaa maaha siyaasi iyo shacab ee waa nimanka dhaqanka ee cumaamadaha qaata. Nimankaas waxaan leenahay maanta waar shirkan aad ku ordaysaan, waxaa lagu sameynayaa Baarlamaanka Soomaaliya loo sameynayo haddii aad ka qayb-gashaan inana waynu ku jiraaye ogaadda. Wadda-hadalka la yidhi Somalia iyo Somaliland ayaa loo waddaa wuu burinayaaye ogaadda….Boqol kun oo la qaato way ka weyntahay Somaliland, waxaan leenahay waar anagaa Boqolka kun idin siine yaan la xaraashin Somaliland….”

Axmed Aadan (Goodir,) oo ka mid ahaa guddigii hore ee doorashooyinka, islamarkaana aqoon dheer u laha marxuumka ayaa isna faalo dheer ka bixiyay aqoonta uu u lahaa. “Komishanka markii la noo doortay, waxaa uu nagu yidhi cadaalad ayaa la’idiin doortay haddaad cadaalad daro isku aragtaan, anniga igu jiifsadda anigaa dhabar-weyne,” ayuu yidhi.

Wasiirkii hore ee hawlaha guud Siciid Sulub Maxamed oo ka mid ah xisbiga UDUB ayaa isna ka hadlay madasha, “Markii UDUB aanu sameynay, qaylo ayaa Burco ka soo yeedhay, lagu diidanyahay Axsaabta badan, Madaxweynihii isaga oo khibraddiisii ka faa’iidaysanaya laba wefti oo kalla gaar ah oo midi waddato sagaal tikniko ah, midna aan hoggaaminayo oo Xisbigii ah ayuu nagu diray, waxaanu labadayaddii Burco ka bilownay laba hawlgal oo iska soo horjeedda.” Ayuu yidhi, waxaana uu sheegay in arrintii halkaas lagu soo afjaray, waxaana uu intaas ku daray isaga oo ka hadlaya UDUB khilaafkeeda oo uu yidhi. “In aanay UDUB is khilaafini ma soconayso oo adduunyada ayaa ku dhisan, laakiin, inay is khilaafto oo aanaan heshiinin ayaa nagu ah doqoniimo.

Garabyo ayaa la sheegaa aniga oo labadiiba ka wakiil ah waxaan leeyahay nacasnimo ayaa na haysata..

Laakiin, qarankana mid baan u sheegayaa, Faysal waa kacay, khilaafkii Xisbiga UCID ummada oo dhan ayaa u kacday, waa loo gurmaday, Ciro iyo Faysal waa loo tagayay oo waa la’isku soo jiidayay. Intaa aad maqasheen UDUB baa is qabsatay oo cid Somaliland kamaanu arrag…Qiimihiina waa tii sheegtay Kaltuuno markaa xisbigii qiimahaas lahaa, waxaa na galay dareen ah waxa la doonayaa in aanu meesha ka baxno oo aan sidii xisbiyadda kale lanoo soo gurman ama faraba nalagula jiro, Markaa noo soo duceeya, waxaanad ku dadaashaan inaad isku kaaya soo jeedaane, na kalla jiidan,” ayuu yidhi.

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

Abshir Askar

Comments are closed