|

Xulkii Gobolka Hawd oo si Balaadhan Maanta loogu soo dhaweeyay Xarunta Balli Gubadle

Balli Gubadle 28 June (SDN) Xulkii Gobolka Hawd u matalayay Ciyaarihii Gobolada Somaliland ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Balli Gubadle ee Xarunta Gobolkaas.

Dadweyne Tiro badan oo ay hor kacayaan Maamulka Heer Gobol iyo Mid Degmo ayaa duleedka Magaalada Bali Gubadle kaga hor tagay Xulka Ciyaaraha ee Gobolka Hawd.

Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Dugsiga Horseed ee Magaalada Bali Gubadle isla markaana ay ka qayb galeen Gudoomiyaha Gobolka Hawd iyo Madaxda Golaha Deegaanka iyo Marti Sharaf kale ayaa ugu horayn waxaa ka hadlay Maayarka Magaalada Balli gubadle Cabdi Iimaan Jaamac oo Sheegay in Gole deegaan ahaan ay ku faraxsan yihiin Imaatinka Gobolka ee Xulkii Ciyaaraha Gobolada u Matalayay .

Sidoo kale Ibraahin Xaaji Xasan Cali oo ah Gudoomiyaha Gobolka Hawd ayaa Tilmaamay In Xulka Gobolka Hawd ay kor u soo qaadeen Magaca Gobolkan ay ku matalayeen Ciyaaraha Gobolada Somaliland ee dhawaan lagu soo gabo gabeeyay Caasimada dalka ee Hargaysa,Isla markaana ay Kaalin Wanaagsan ka Galeen.

Waxa uu Gudoomiyuhu Sheegay in Ciyaaruhu fududeeyaan Is dhex galka Bulshada iyo Sidii da’a yartu isu baran lahaayeen.

Waxaa kale oo halkaasi hadal dhiirigalin iyo dardaaran ah ka soo jeediyay isu duwaha Wasaaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Gobolka Hawd Iid Ciise Jaamac

Qaar ka Mid ah Gudida Magaalada Balli Gubadle ayaa Gudoonsiiyay Xulka Gobolka Hawd lacag dhan Toban Milyan iyo Sadex  Boqol oo Kun oo Shilling Somaliland iyo abaal marino kala duwan oo la gudoonsiiyay .

Balli Gubadle SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed