|

Xulka Nigeria Ayaa u soo Baxay Koobka Kubadda Cagta ee Aduunka Markii 2-0 Ku Samirsiisey Xulka Ethiopia.(By Jaahuur)

Calabar-Nigeria-Nov-17-2013-(SDN)-Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu ku eegeynaa xulka Nigeria oo xaqiiqsadey u soo bixidda koobka kubadda cagta aduunka ee ka dhici doonta dalka Brazil 2014-ka markii ay 2-1 ku samarsiiyeen xulka Ethiopia.

Xulka_Kubadda_Cagta_Dalka_ItoobiyaCiyaartan oo ka dhacdey UJ Esuene Stadium ayaa ahayd Lugtii labaad bacdamaa Nigeria Lugtii hore aay 2-1 ku soo badisey Adis Ababa.

Haddaba ciyaartan oo lawada sugayey kana soo qeybgaleen dadweyne aan xadlahay ayaa gdaqiiqaddii 20-aad xulka Nigeria nasiib u yeelatey goolkii ugu horeeyey oo ahaa rigoore waxaana shebegga ku hubsadey Victor Moses.

Qeybtii dambe ee ciyaarta la iskugu soo noqdey ayaa xulka Ethoipia ku dadaaley iney ka dabayimaadaan,laakiin taasi may dhicin wallow aay iska khasaariyeen fursado qaali ah.

Xulka Nigeria ayaa shaaca ka qaadey ka qeybgalka koobka kubadda cagta ee aduunka markii daqiiqaddii 82-aad goolkii labaad oo laad xor ah ama free kick ahaana kii qalbi jabka u raaciyey Obina,marka la isku ceceliyo goolashii la iska dhaliyey labadii kulan xulka Nigeria ayaa uruursadey kuna badiyey 4-1.

Shanta waddan ee Africa ee ka qeybgalaya koobka kubadda cagta aduunka ayaa ilaa iyo hadda la hubaa xulka Nigeria Super Eagles.

W/qorey Jaahuur

SDN

jjahuur@Hotmail.com

 

Comments are closed