|

Xulka Haweenka Dalka Qatar Oo Xijaab Dartii Uga Baxay Ciyaaraha Kubadda Kolayga Asia

Doha:Sep,26,2014(SDN/QJ)-Xulka Haweenka ee Dalka Qatar uga qaybgelayey tartanka Kubadda Kolayga ee qaaradda Asia, ayaa iskaga Baxay tartankaas, kadib markii loo diiday xijaabta timaha lagu daboolo oo ay  xidhnaayeen.

qaaeKooxda Qatar ayaa codsatay inay ku ciyaaraan xijaabka, balse arrintan waxaa diiday xidhiidhka kubada Kolayga caalamiga ah ee FIBA oo sheegay in dastuurkooda uu ku qoran yahay in ciyaartoyada aanay madaxa wax ku xidhan karin xiliga ciyaaraha sida uu qeexayo qodobkooda 4.2.2.

Dowlada Qatar ayaa sheegtay inay gebi ahaan isaga baxeen ciyaarahan iyagoo ku eedeeyey maamulka ciyaaraha inay cunsuriyeeyeen kooxda ka socotay Qatar.

 

Hablaha u ciyaarayey dalka Qatar, ayaa dhammaantood ah dad muslimiin ah, waxana ay madaxa ku xidhnaayeen Xijaabo kooban, iyadoo arrintaasi keentay in xidhiidhka dalkaasi Qatar uu soo saaro amar ay kooxdoodu kaga baxayso tartarkaas.

Inta badan xeerarka caalamiga ah ee kubadaha kala duwan loo dejiyo, ayaa waxa ku yar kuwa muslimiinta xuquuqdooda ka hadlaya, waxana inta badan uu muran ka dhashaa marka ay dalalka muslimka ahi tartamadaas ka qaybqaadanayaan.

Kubadda cagta ayaa ah meesha uu muranka ugu badani ka dhaco xilliyada bisha ramadaanta oo ay ciyaaryahannada muslimka ahi codsadaan inay soomaan, balse kooxaha reer Yurub ee ay u ciyaaraan ayaa arrimahaas si xooggan uga soo horjeesta.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed