|

Xulalka Gobolada Awdal iyo Gebilay oo Min Laba Gool kaga badiyay Gobolada Sool iyo Togdheer

Hargaysa 05.June (SDN) Ciyaarihii Kubada Cagta ee Tartanka Gobolada Somaliland oo Maraya Meel Xasaasi ah ayaa waxaa Maanta wada yeeshay Ciyaaro Xulalka Gobolada Awdal iyo Sool oo ay laba Gool ku badiyeen Xulka Gobolka Awdal halka Gobolka Gebilay uu Laba Gool kaga Dul talaabsaday Xulka Gobolka Togdheer.

Ciyaarta Hore waxaa Xulka Gobolka Awdal laba Gool u dhaliyay Ciyaar yahanka lagu magacaabo  Suudi ee Sita Nombar 16,Xulka Gobolka Sool ayaan la Iman wax Gool ah oo wax ka bedela Natiijadii Ciyaarta .

Sidoo kale Ciyaarta Isha lagu hayay ayaa u dhaxaysa Xulalka Gobolada Gebilay iyo Togdheer iyadoo afarta Kooxoodba ay ku Wada Jiraan Groupka loogu magac daray Dhimashada,Xulka Gobolka Gebilay ayaa Qaybtii hore ee Ciyaarta Waxay la Yimaadeen Laba Gool oo Qurux badan oo ay u kala dhaliyeen Ciyaar yahanada la kala yidhaa Mukhtaar Guuleed iyo Mubaarik Diyo,Sidaas ayaanay Ku soo dhamaatay Ciyaartaasi.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed