“Xukuumadu Waxay Musuq Maasuqday Dhaqaalihii Midowga Yurub ugu Deeqeen Balaadhinta Biyaha Hargaysa” Xisbiga Waddani {DHAGAYSO}
Hargaysa 28.Dec 2o13 (SDN)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maanta xukuumadda Somaliland ku cambaareeyay inay sabab u tahay surmiga iyo biyo la’aanta soo food saartay shacbiga Caasimadda Hargeysa, ka dib markii siday ay sheegeen inay cashuuro dheeraad ah ku soo rogtay gaadiidlayda Booyadaha ee u dhaamiya xaafadaha magaaladda.
C/Rashiid Riyo-raac oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo shir jaraa’id ku qabtay xaruntooda ayaa sheegay inay naqdiyayaan siyaasad xumadda xukuumadda, waxaanu ku eedeeyay xukuumadda Axmed Siilaanyo inay ka musuqday caasimadda Hargeysa dhaqaale midowga yurub ugu deeqay oo la xidhiidhay biyo balaadhinta Hargeysa.
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso hadalka Mas’uulka Waddani
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/C.rashiidRiyo28D.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com