|

Xukuumadee​na Xiqdi iyo Xajiin badan ma wuxuu xaalkeedii ku soo ururey Isnuug iyo Dabo-kanuu​g!!

Waxaa loo doortey nidaamka Dimuqraadiga ah in hogaanka dalka lagu bedelo waqti kooban dareenka shacabka iyo doorasho xor iyo xalaal ah si ay shacabku ugu ciil-baxaan codkooda, dareenkooda, garashadooda iyo garaadkooda.Dastuurka qaranka ayaana muwaadin kasta oo reer Somaliland ah u-damaanad qaadaaya in dimuqraadiyada si xalaal ah oo badheedh ah oo cadaan ah in la isugu dhaliilo, la isugu tilmaamo, la isuguna toosiyo oo weliba la isugu ololeeyo si xilalku ay meerto u-noqdaan oo ay digtaytarnimadu meesha uga baxdo dimuqraadiyaduna u meelmarto oo u hirgasho. Hadaba waxaa nasiib-daro ah in maanta Xukuumada jirtaa aaney la heyn milgihii, karaamadii iyo kartidii ay ku ababin laheyd dimuqraadigeenii koraayey ee curdinka ahaa si ay u dhacaan doorashooyin isdabo joog ah oo xor iyo xalaal ah waayo xeerarkii iyo xeegaanadii ay ku qabsoomi lahaayeenba waa wada qabyo welina looma dhaqaaqin lamana daweyn oo lama bogsiin mililkii, caabuqii iyo dil-dilaacii ay reebtey doorashadii golayaasha degaanka ee xaqdarada iyo xaaraanta wadanka kaga dhacdey sanadkii 28/11/12.2 ” Shacabka reer JSL marna kama maydhmi karto quluubtooda iyo qalbigooda xaqdaradii ka dhacey doorashadaa dawladaha hoose ee Xukuumadu ay sidey doontey ka yeeshay ee ay ilaadadii shacabka awooda dawladnimo ku boobtey”

Qarankeena yar ee raad qaadka ah ee ragaadey ee raranka maanta saarani wuxuu halkan uu maanta taagan yahay ku soo gaadhey siyaasiyiin u-tudha iyo ruug cadaa samo talis ah oo isku duuban oo ummadda isku wada oo walaaleeya oo arin kasta oo cakiranta ku soo dabaali jirey dhaxalkii awowyaasheen oo ahaa gar naqsi, talo-wadaag,isu tanaasul, Isqancin,wadashaqeyn, Isixtiraam,karaamo iyo nabadeyn, taas oo intiiba ay maanta meesha ka baxdey oo ay bedeshay wadashaqeyn la’aan, wanjalaad, isweeteyn,Khilaaf joogto ah iyo duufaano dabin isu maleeg ah oo udhaxeeya intii talada wadanka buddhiga u ahayd, musuq-maasuq aan geedna loogu soo gaban, sadbursi isireysan, Taajir-wasteysi qorsheysan, shirkado ilma jini boqor ah oo nacasnimo jaqaaya dhiigii iyo dheeftii ummadda,mashruuc-bursi xulafeysan oo ganacsi dadban ah, Shaqsi jecleysi xabkeysan oo hadana xasabeysan, iskooxeysi shirkadeysan. macdan baadhis sheeraysan, dhul boob baahsan oo hadaf dheer ku qotoma oo shaadh iskaashato, mid beeraley iyo mid wershedeedba gashan, deyr adag oo qabyaadaleysan oo gaadh ka haya inta libqinta, laba liska, labaca iyo laacu uu laab qaadey, Qawleysato qal-dhabaaya/ qawdhamaaya oo duluglayaal ah oo dabato ah oo dan-la orod ah oo doonaya dalqada uun waxay dhigaan,Dab-liqa ayaa la-idinka yidhi!! kuwaas oo xukuumadan qurbe-joog jecel, Qosol-jecel la kowsadey, waxaana ay duulkani udaaqsin tagaan qasriga madaxtooyada gelinka danbena waxay kafeyga ku mayracdaan hudheelada waaweyn ee caasimada oo kiradooda ladabaro.Taas oo ay nusqaan iyo nitaakhaba ku noqotey Quruxdii,haybadii,midnimadii,wadaninimadii,wadarnimadii,walaaltinimadii, wax-wadalahaanshihii, sumcadii iyo sharaftii dawladnimo, higsigii iyo habsami usocodkii,himilooyinkii qaranimo ee lagu taamaayey mudada badan. kadib markii ay si gaar ah ay isu siiyeen yuhuuntii iyo lahaanshihii dawladnimo.

Waxaa wax garadka siyaasada JSL u-dhuun daloolaa ay maanta isku raaceen in siyaasada guud ee xukuumada S/land ay hada ku jirto marinhabow, mad-madow badan iyo Indo sarcaad baahsan oo iska dabowareeg ah oo aan la saadaalin karin lana garan karin Jihada ay u socoto iyo taladeedu meesha ay ka go’do, Maadaama hadimooyinka ku wareegsan xeyndaabka madaxtooyada ay fursado u-heleen awoodo aaney xaq iyo xeegaantoona ulaheyn.Markaad iyana u-fiirsato midi-midi ku taagta hada ka bilaabantey xukuumada iyo xisbigeedii,Waxay shacabka ugu muuqataa in xukuumada uu xaalkeedii ku soo ururaayo in dalku fawdo galo kadibna doorashooyinka dib loo dhigo taas oo ah durugso oo waqtiga dheereyso inta aad danahaaga Ganacsiga ah aad gaadheyso ileen dad dan yar ahi dastuurka aad jebineyso iyo duunyada aad boobeyso midna kugu qabsan kari maayaane. Waana iyaga iyo Allehood’e !! Waxaa bulshada qeybaheeda kala duwan gudo iyo debedba iyo caalamkuba ay indhahoodu ku foogan yihiin sidii xukuumadani ay uga dhabeyn laheyd hurusocodkii geedi socodka dimuqraadiyada JSL ee ay doorashooyinka is barkan ee fooda inagu soo haya ay waqtigooda ugu qaban laheyd si xor ah oo xalaal ah oo waafaqsan dastuurka wadanka u yaala.

 

 

Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh!

 

Wa-Laahum-Aclam-Waa-Bilaahi-Taw-fiiq,

 

Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scs)

 

Qalinkii : A/Rahman Fidhinle

 

Intensive ED BD BA,

 

United Kingdom

 

London.

Comments are closed