|

XUKUUMADDU WAY KU MERGATAY GUDOOMIHII WAKIILADA Qaybtii 2aad

Hargeysa Dec 19,2013(SDN)-Kulmiye arag in xukuumadda odaygu dhisay ama loo soo dhisay aanay Kulmiye ahayn ama ugu yaraan aanay ahayn kulmiyihii ay filayeen, hadana markii uu Madaxwaynuhu wareejiyay xilkii xisbiga wuxu u wareejiyay si karkabad iyo hoo oo ku go’ ah.

Gudoomiyahii xilka lagu wareejiyay oo isagu ahaa Gudoomiye ku xigeenkii 1aad si fiican umuu garan waxa lagu wareejiyay ee wuu la durduriyay uun. Runtii na magac mooyee wax lagu wareejiyay ba ma jirin mana ay ahayn wax u gooyn kara waxa uu filayay inay u goyn karto oo wuxu noqday nin dollar faalso ah shandad looga buuxiyay.

halkaa laga bilaabo Kulmiye wuxu noqday laba Kulmiye oo kala ah Kulmiyaha xisbiga iyo Kulmiyaha xukuumadda taas oo labada dhinac ba markii hore aad mooday say inay ku qanceen, siiba hogaanka sare ee xisbiga oo u qaatay in iyaga la siiyay xisbigii manay qiyaasin in la is kaga daba iman doono goor ay noqoto ba. Ninkii had hi waayay ee qaadan waayay siday wax la yidhi wuxu ahaa Cabdiraxmaan Cabdilqaadir wixii ka gaadhay na isaga sheekeyn mayno balse waxay noqotay deris-ISHA CALI NINKII DEYEY. DIGNIIN WAWGU FILAN TAHAY.

UCID, gaar ahaan gudoomiyuhu saluugii xukuumadda uu madaxwayne Silanyo soo dhisay muu qarsan dhaliilaheeda na markii ba wuu bilaabay balse gudoomiye Cirro oo ahaa tiirka labaad ee UCID iyo gudoomiyaha wakiilada isagu kamuu waalin ee markii laba Kulmiye soo baxeen wuxu dhinaca saaray Kulmiyihii Xukuumadda isagoo aynu odhan karno wuxu si buuxda isugu dhiibay madaxtooyada oo looga qaatay inu yahay shakhsi gacanta ugu jira lakiin waxa aanay is waydiin ilaa goorma?taas oo Cabdiraxmaan aan filayo ama aan mar dambe fahmay in isaga aanay ka qaldanayn ee uu markaa ba uu garanayay inta ay wada socon karaan iyo halka ay ku kala badhi doonaan labada ba.

Makii uu soo shaac baxay khilaafkii gudaha ee UCID xukuumadda oo u arkay say shiddoda keliya ee haysatay inay ahayd Gudoomiyaha UCID wxay kaalin firfircoon kaga jirtay khilaafka UCID si ay uga takhalusto gudoomiye nimada Faysal ilaa iyo xad ay ku dhawaatay inay uga faro maroojiso. Markii ay u socon wayday waxa khasab noqotay in UCID uu u kala jabo Xisbi iyo Urur siyaasadeed la magac baxay WADDANI oo uu gudoomiye ka yahay Gudoomiyiha Wakiiladu.

Ilaa doorashadii golayaasha degaanka oo UCID iyo WADDANI ba ay xisbiyo qaran u soo gudbayeen xukuumaddu mar keliya may dhimin dagaalka ay kula jirtay UCID. Muran badan iyo dacwadihii UCID ee ku saabsanaa xubinnimada golaha ee gudoomiyaha iyo xataa isku haysiga labada xil gudoomiyaha wakiilada iyo gudoomiyaha WADDANI wixii UCID uu dagaal ka galay oo dhan madaxtooyada ay daadifay say oo si buuxda u taageer sanayd inu labada xilba isku hayn karo. Mudadii dagaal kaasi socday oo dhan xukuumadda iyo Wakiiladu waxay gaadheen heer ay si buuxda isugu milmeen oo la kala garan karin kee baa kee ah.

Hadaba hadii xaalku sidaa ahaa Gudoomiye Cirro iyo madaxtooyadu na ay ahaayeen kuwo bogooda burcad la isu mariyay goormay arlo dhimatay, halkey wax iska bedeleen sidey se isu bedeleen?

Markii ay soo baxday natiijadii doorashadii golayaasha degaanku ee UCID hareeraha eegay wuxu markii ba is dhacsiiyay inu la soo baxay laba xisbi oo muxaafid ah oo is jiidayay xiligii doorashada hadda na isla helay oo isku darsaday xukuumadii iyo baarlamankii markaa isagu uu noqonayo Xisbiga keliya ee mucaaridka ah si uu wax isaga caabiyo na waa inu cidiyo ku dagaalan noqdaa.

Ama ha karo ama yaanu karin eh sidaa ayuu xaalkiisu ahaa. Hadii wadani Kulmiyahii xukuumadda dhinaca saaray way jireen shakhsi yaad u arkayay in UCID na laba belaayo makay u noqoto ay ta Kulmiyaha Xisbigu uga sahlan tahay belaayada Kulmiyaha xukuumadda iyo WADDANIGA is saarka ah ee sidii ilkaha abeesada hoosta isaga daloola een xisbi iyo xukuumad si ay kala yihiin la kala garan karin. Hase ahaato eh marka laga tago siyaasadda qunyar socodka iyo diblomassiyadda gudoomiye Cirro taageero yaasha WADDANI umay cuntami karayn in xisbigoodu ku suntamo ama la kala garan kari waayo muxaafid iyo mucaarid mid uu yahay gudoomiyahooda na cadaadis joogto ah ayaa ka haysatay dhinacaa.

Masuuliyiin badan oo WADDANI iyo UCID ba leh ayaa iyagu na arkayay baahida iyo lagama maarmaan nimada isu soo dhawaynta labada xisbi ee UCID iyo WADDANI, taas oo si hoos hoos ah intii muddo ahayd ba loo waday iyadoo kuwa runtii wax tabanayay ee la qancinayay ay UCID ahaayeen balse WADDANI ilaa iyo intii ay xisbinimada u soo gudbeen aan wanaag mooyee wax xumaan ah oo sii kala fogayn kara iyaga iyo UCID aan dhinacooda ka iman, taas oo iyana sii xoojisay isu soo dhawaanshaha labada xisbi ee mucaaridka ah.

Isu soo dhawaanshaha mucaaridka oo sii xoogaystay ka dib ku dhawaaqistii golaha wada tashiga ayaa iyadu na waxay soo dedejisay heshiiskii dhex maray labda xisbi ee mucaaridka ah oo ahaa mid si buuxada u soo af jaray khilaafkii ka dhex jiray UCID iyo WADDANI. Ku dhawaaqidii golaha wada tashiga iyo heshiiska labada xisbi ayaa noqday laba ama sedex waran oo mar ku wada dhacay xukuumadda Madaxwayne Axmed Silanyo. Xukuumadda ama aan idhaahdo madaxtooyada oo aragtay mucaaridka sidii iliilado biyo ah isku soo dardarsamaya baqe na ka qabta in ay noqon karaan doox wayn oo qaadi kara ayaa dagaal aan maanku dirir ahayn ee waali duul ah mar ku wada bilawday Golihii Wada Tashiga iyo labadii xisbi ee mucaaridka ahaa.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed