“Xukuumaddu way Jiraysaa Waxaanay ku Shaqaynaysaa Muddo Kordhintii Guurtidu Samaysay,Siciidoow Madaxtooyadu maaha meel la isku dilo” Xildhibaan Nac Nac
Hargeysa 07.July 2015 (SDN/QJ):- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac),ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Xildhibaan Siciid Cilmi Roobe oo ay ka wada tirsan yihin Golaha Wakiiladda.
Waxaa kale oo uu xildhibaan Nacnac intaa ku daray Madaxtooyadu in ay tahay halkii qaranka looga talinayay ee dalka ugu sarraysay isla markaana aan dadka lagu dilin sida uu xildhibaan Siciid sheegay.
Waxaanu xildhibaanku kula taliyay Mudane Siciid Cilmi ay Golaha Wakiilada ka wada tirsan yihiin ee ay mar dhan dagaalka kaga wada jireen ee ay xuluufada soo wada ahaayeen in uu bisha Ramadaan hadalka aan wanaagsanayn iska daayo oo uu khayrba badsado, waxaanu yidhi “Waxa aan leeyahay madaxtooyada nalagu layn maayo ee waa taayadii iyo tii aad noola soo halgantay Siciidoow cidina nagama xigto ee bilaha Ramadaan iska cibaadayso oo hadalka badan ee aan waxba kuu tarayn yarayso ayaan ku odhan lahaa”“Waxa aan leeyahay saaxiibkay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Madaxtooyadu maaha meel la isku dilo ee waa xaruntii looga arriminayay dalka oo dhan, cid walbana waa u furan tahay oo waa innagii wada geli jirnay innaga oo wada socona.”
Xildhibaanka oo la waydiiyay sida uu u arko Xildhibaan Xasan Cawaalle oo xarunta Madaxtooyada ciidamada ilaaladu ay wax ku dhex yeeleeyeen ayaa ku jawaabay “Adeer Madaxtooyada waxa ku rakiban Camerado, waxaanan warbaahinta leeyahay ha la sugo, waayo askarigiiba waxa uu yidhi waan riixay, laakiin warkaa xildhibaanku ina yidhi waa la idilay, waxaanan leeyahay wax walba ha la hubsado”.
Hargaysa SDN/QJ