Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ka Hadashay Tallaabadii Xabsiga Loogu Taxaabay Qunsulka Somalida u Fadhiya Kenya
Muqdisho:April,27,2014 (SDN/QJ)-Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Somalia, ahna wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Maxamed Xirsi, ayaa Galabnimadii shalay Golihiisa wasiirrada iskugu yeedhay shir aan caadi ahaynXubnaha golaha wasiirada.
Shirkan ayaa muhiimadda ugu weyn ee laga lahaa ay ahayd sidii wax la iskala meel dhigi lahaa Tallaabooyinka foosha xun ee Dawladda Kenay ay ku hayso Dadka somalida ah ee dalkeeda ku sugan oo ay ku jiraan Diblomaasiyiinta sare ee Dawladda Somalia.
Kulanka ayaa sidoo looga hadlay Wadooyinka Xidhan,iyadoo si gaar ahna diiradda loogu saaray Xadhigii ay dhawaan Kenya u geysaty Qunsulka Somalida u fadhiya Magaalada Nairobi oo muddo xabsiga ku jirey.
Ugu horayntii Wasaaradaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, Howlaha Guud iyo Dib u dhiska iyo Amniga Qaranka ayaa golaha usoo jeediyay inay dhibaatooyin kala kulmaan shacabka ku dhaqanka magaalada Muqdisho qaar kamid ah wadooyinka muhimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ee xidhan, waxaana golaha Wasiiradu isku raaceen in la furo wadooyinkaas marka laga reebo wadooyinka qaar oo laga sugayo in Wasaarada Amnigu talo ka bixiso qaabka ugu .haboon ee loo furayo.
Sidoo kale Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dood adag ka yeeshay xadhigii Qunsulka Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya Mudane Siyaad M Shire oo ay Ciidamadda Amniga Kenya xidheen, waxaana goluhu isku raacay xadhiga Diplumaasiga iyo dhibaatooyinka kale ee dadka Soomaaliyeed kala kulmaan dalka Kenya inay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya war cad kasoo saarto.
Kulanka ay yeesheen golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa u jeedkiisu ahaa in la tixgalio cabashooyinka shacabku ay ka muujiyeen wadooyinka sida gaarka loo xidhanayo oo ku soo badanaya magaalada Muqdisho. iyo dhibaatooyinka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay kala kulmeen ciidamada amaanka Kenya.
SDN/QJ