|

Xukuumadda Thailand oo Shiinaha u Gacan-gelisay Muslimiin Magan-galyo u Joogay dalkeeda

Istanbul 10.July 2015 (SDN/QJ)- Dawladda Thailand oo ku taal koonfurta bari ee qaaradda Aasiya, ayaa qaxooti muslimiin ah u mustaafurisay dhinaca dalka Shiinaha oo ay markoodii hore ka qaxeen, kadib markii ay cadaadis xooggan oo diintooda la xidhiidha kala kulmeen maamuulsha shuuciga ah ee dalkaas.

thaylan oo muslimiinAfhayeen u hadlay dawladda Thailand, ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 100 qof oo ka mid qoomiyaha muslimiinta ee la yidhaa Uighurs loo mustaafuriyey, loona gacan-geliyey Shiinaha, isagoo xusay inay ogaadeen in dadkaasi yihiin muwaaddiniin Shiine ah, sidaasna looga saaray dalkooda.

Qoomiyadda muslimiinta ee Uighurs ayaa ku nool gobolka dhinaca galbeed ee dalka Shiinaha, kuwaas oo inta badan xidhiidh dhinaca hiddaha ah la leeyihiin muslimiinta kale ee waddanka Turkiga oo xad la wadaaga, iyagoo sidoo kale ku hadla luqadda Turkiga, waxaanay arrintaasi sababtay muhadaraadyo waaweyn oo lagaga soo horeedo dhibaatooyinka Shiinuhu ku hayo muslimiinta dalkiisa oo laga dhigay magaalooyinka waaweyn ee Turkiga.

Tallaabada dawladda Thailand ku mustaafurisay dadka muslimiinta ayaa cadho xooggan ka abuurtay gudaha waddanka Turkiga, isagoo sidoo kale afhayeenka Thailand sheegay in muslimiin gaadhaya ilaa 170 qof oo isugu jira dumar iyo carruur qoomiyadaha Uighurs u mustaafuriyeen dhinaca dalka Turkiga, waxaannu tilmaamay in aanu dalkiisu oggolaan doonin inay magangelyo siiyaan muslimiinta ka soo cararaya Shiinaha.

Sida ay baahiyeen wakaaladaha wararka Turkiga oo Wargayska Jamhuuriya soo xigtay, dadweyne aad u badan, ayaa mudaharaad ka dhigay wajahadda hore ee qunsuliyadda Thailand ku leeyahay magaalada Istanbul, kuwaasoo ka cadhaysan tallaabada Shiinaha loogu mustaafuriyey muslimiinta, iyadoo la sheegay in dhibaatooyin badan lagu hayo dadkaas, isla markaana loo diiday inay si xor ah u gutaan waajibaadkooda diiniga oo soonka bisha Ramadaan ku jiro.

Hay’adaha xuquuqal-insaanka, ayaa sidoo kale cambaareeyey go’aanka dalka Thailand ku mustaafuriyey muslimiinta ka cararaya dhibaatooyinka ay kala kulmaan gudaha waddanka Shiinaha, iyagoo xusay in arrintaasi xadgudub ku tahay shuruucda caalamiga ee dadka magangelyo-doonka ah.

Comments are closed