|

” Xukuumadda talada haysaa way naga mamnuucdayba inaan ka hadalno jaamacadaha iyo inaan ka soo qayb gallo midnaba.” Musharax Jamaal Cali Xuseen Daawo

Hargaysa 08.April 2014 (SDN)- Musharaxa  Jagada Madaxweynaha  Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen oo  safar ku jooga dalka kanada,ayaa waraysi uu bixiyay kaga hadlay arrimo  badan.

Jamaal Cali XuseenMusharax Jamaal Cali Xuseen oo u warramayay TV-ga UNIVERSAL,waxaa kaloo uu ka hadlay farqiga u dhexeeya Xukuumaddii uu hoggaamiayay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin  xilligii uu talada dalka hayay xisbigii hadhay ee UDUB iyo Hoggaaminta Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) oo uu ku sifeeyay inay wax badan ku kala duwan yihiin.

“Xilligii Madaxweyne Daahir Rayaale marka ay arday Jaamacadeed qalin jabinayso,waxaa ka wada qayb gali jiray isla markaana isa soo agfadhiisan jiray labada Guddoomiye Xisbi Mucaarid iyo Daahir Rayaale oo markaa ahaa Madaxweyne,taasoo ardayda loogu muujinayo Qarrannimada iyo wada jirka,sadexda Guddoomiyeba midba markiisa ayuu u qudbadayn jiray,laakiin imika Xukuumadda talada haysaa way naga mamnuucdayba inaan ka hadalno jaamacadaha iyo inaan ka soo qayb gallo midnaba.” Ayuu yidhi Musharaxa Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen.

Hargaysa SDN.
Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed