|

Xukuumadda Soomaaliya Oo Ugu Baaqday Ajaanibka Dalkeeda Soo Gelaya Inay is Diiwaan-geliyaan

Muqdisho:24-Aug-2013-(SDN)- Xukuumadda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday dadka ajaaniibta ah ee yimaada Soomaaliya in ay isa soo diiwaan galiyaan si amnigooda xukuumada loo Damaanad qaato.

ridwaanAfhayeenka Xukuumada Soomaliya Ridwaan Xaaji Cabdi Wali oo saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho Habeenkii xalay, ayaa sheegay inay tusaale u tahay weerarkii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho ee lagu dhaawacay haweeynay ka soo jeeda Dalka Swedan.

Waxa uu sheegay in haddii ay ka war qabi lahayd Xukuumada Soomaliya  imaanshaha haweenaydaas loo samayn lahaa ciidamo gaar ah oo amaankeeda suga, sidaa daraadeed waxa lagama maarmaan ah in dadka waddanka soo gelayaa ay isdiiwaangeliyaan

Waxa uu sheegay Ridwaan xaaji cabdi Wali in dhinaca kale Ciidamada Dowlada Soomaaliya gacanta ku soo dhigeen saddex nin oo uu sheegay in ay weerarkaa  Haweenayda ka danbeeyeen  oo wadada u sii galeen  xili  ay ka soo baxday Jaamacada Magaalada Muqdisho.

Ridwaan ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamadu ku raad joogaan laba ruux oo kale oo la aaminsan yahay in weerarkaa ka danbeeyeen kuwaas uu sheegay in la baadi goobayo haseyeeshee waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in amaanka xooga la saaro dadka ajaniibta ah.

Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya ayaa caddeeyay in weerarkii lagu qaaday Haweenydii Swedish ka ahayd uu ka bedalnaa kan al shabaab fuliso sidaa daraadeed ayuu sheegay in ay jiraan dad kale oo ka qayb qadanaya khal khal galinta amniga Caasimada soomaaliya.

 

Waa markii ugu horrsay ee Dawladda soomaaliya ay ugu baaqdo ajaanibka dhulkeeda imanaya, waxana tani ay meesha ka saari kartaa in dadka iyada oo aan la ogayn lagu laayo ama lagu dhaawaco Gudaha dalka oo aan xaalkooda waxba lagala soconin.

 

Somalidiasporanews.com

 

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed