|

Xukuumadda Soomaaliya Oo Shaacisay Ila Dhameeyay Cuduradii Ka Jiray Xabsiga Dhexe ee Xamar

Muqdisho April 23 2013 (SDN)— Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Abyan Nuur oo maanta tagay xabsiga dhexe ee Xamar ayaa shaaca ka qaaday in gabi ahaanba xal laga gaaray oo lasoo afjaray caafimaad daradii ka jirtay xabsiga dhexe ee Xamar.

Wasiirka oo ay wehliyaan xubno ka socda Wasaarada adeega Bulshada gaar ahaan qeybta caafimaadka iyo saraakiisha xabsiga dhexe ee Xamar ayaa wuxuu sheegay in maanta laga bilaabo uusan jirin cudur shuban biyood ah oo ka jira xabsiga dhexe.

Wuxuu mahadcelin ujeediyay Hay’adihii ka qeyb qaatay la tacaalida cudurka shuban biyoodka iyo in maxaabiistii la liitay cudurkaasi daaweyn ufidiyay.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Xasan Cusmaan ayaa dhankiisa ka codsaday Wasaarada adeega Bulshada qeybta caafimaadka inay ilgaar ah ku hayso xaalada caafimaad ee maxaabiista iyo ciidanka xabsiga ku sugan.

Bishii Maarso bilowgeeda ayuu cudurka shuban biyoodka wuxuu ka dilaacay Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho iyadoo ay ku geeriyoodeen halkaasi afar maxaabiis ah sidoo kalena cudurkaasi uu soo ritay 124 maxaabiis ah.

SDN-Muqdisho

Comments are closed