Xukuumadda Soomaaliya oo maanta ka hadashay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Villa Somalia
Muqdisho Jan 2013 (SDN)– Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay qarax ismiidamin ah oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan inta udhaxeysa SafaaradaEthiopiaiyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee madaxtooyada Soomaaliya.
Kadib shirjaraa’id uu ku qabtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xersi kaasi oo sheegay in ciidamada Dowladda ay fashiliyeen qaraxaasi.
Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in ruuxa waxyaabaha qarxa isku soo xiray inta uusan qarxin ka hor askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya uu toogtay.
Wuxuu sheegay in ruuxa isqarxiyay uu horay uga tirsanaa ciidamada Nabadsugida balse iminka shaqadii laga ruqseeyay xilliga uu qaraxa ismiidaaminta ah u fulinaye.
Khasaaraha ka dhashay qaraxaasi ayaa wuxuu sheegay inuu yahay geerida hal ruux oo ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo dhaawaca saddex askari.
Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in qaraxaasi ay ka dambeeyeen kooxaha nabaddiidka ah sida uu sheegay ayna soo abaabuleen balse ciidanka Dowladda ay fashiliyeen sida uu sheegay.
Ilaa iyo iminka majirto cid sheegatay masuuliyada qaraxaasi ismiidaaminta ah ee maanta ka dhacay inta udhaxeysa SafaaradaEthiopiaay ku leedahay Magaalada Muqdisho iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
SDN-Muqdisho