Xukuumadda Somaliya oo u yeedhay Diblumaasiyiinteeda ku Sugan Dalka Kenya
27,Apr.2014(SDN/QJ)- Dowlada Somalia ayaa u yeeratay safiirka iyo qunsulka u fadhiya magaalada Nairobi, iyadoo ka jawaabeysa talaabo ciidamada Kenya ay muddo kooban ku xireen qunsulka Somalia u fadhiya magaalada Nairobi.
Wasiirka warfaafinta dowlada Somalia Mustax Shiikh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in dowlada Somalia ay si weyn uga xumaatay xariga Booliska Kenya kula dhaqaaqeen diblomaasiga Soomaaliga ah.
Dhuxulow ayaa sheegay iney falkaasi cambaareynayaan Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, isaga oo sheegay in Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya la faray inay war cad ka keento tallaabada masuulkaasi ku xireen ciidamada Kenya.
Dowlada Somalia iyadoo ka jawaabeysa arintan waxay si deg deg ah ugu yeeratay Safiirka kenya u fadhiya Maxamed Cali Ameriko iyo Qunsulka Safaarada iyagoo imanaya magaalada Muqdisho” ayuu yidhii wasiirka warfaafinta.
Safiirka dowlada Somalia u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur Ameriko ayaa sheegay in warqad cabasho deg deg ah ay gaarsiiyeen Wasaarada arimaha dibada Kenya, uuna tagi doono magaalada Muqdisho si uu ula kulmo madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, warbixina uga siiyo sida ay wax u dhaceen.
Booliska Kenya ayaa mudooyinkan ka waday magaalada Nairobi ee dalka Kenya howlgal raaf ah oo si aan kala sooc laheyn loogu xirxirayo Soomaalida halkaas ku nool, taasoo keentay iney ugu dambeyn xiraan Siyaad Maxamuud Shire oo ah qunsulka Somalia u fadhiya Nairobi, isagoo xitaa tusiyey waraaqihiisa aqoonsiga diblomaasinimo.
SDN/QJ-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com