Xukuumadda Somaliland oo raaligelisay dawladda Itoobiya iyo Madaxweyne Ku-xigeenka oo u dhoofay Addis Ababa, maxay tahay sababtu?
Hargeysa April 12, 2014 (SDN)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay Itoobiya ka raaligelisay baadhitaan dhowaan lagu sameeyay saraakiil Itoobiyaan ah, kuwaasoo dhowaan lagu qabtay degmada Gabiley, isla markaana sida la sheegay saraakiil Bilayska ka tirsan iyo hawlwadeeno ka tirsan maamulka magaalada Gabilay ay baadhitaan ku sameeyeen xubnahaa Itoobiyaanka ah, xilli ay u sii jeedeen dhinaca dalkooda.
Sida uu hore qaar ka mida saxaafadda maxaliga ah ugu xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Gabiley Mr. Yuusuf Ibraahim Geeddi (Yamaarug), baadhitaankaas waxa loo xidhay saraakiil, askar iyo shaqaale dawladeed, kuwaasoo uu ka mid yahay Taliye ku-xigeenka qaybta Bilayska gobolkaas iyo xubno kale, kadib markii sida uu sheegay lala xidhiidhiyay inay dukumentiyo xasaasi ah kala hadheen xubnahaa sirdoonka Itoobiya ee lagu qabtay Gabiley.
Hase yeeshee, Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Seylici) oo maanta warbaahinta kula hadlay madaarka Hargeysa, kahor intii aanu u dhoofin Addis Ababa, waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay raaligelin ka bixisay diblomaasiyiin Itoobiyaan ah oo sida uu sheegay lagu baadhay magaalada Gabiley, isla markaana ay xukuumaddu talaabo ka qaaday, sharcigana horgeyn doonto xubnaha loo xidhay falkaas.
“Waanu ka xunahay wixii ku dhacay diblomaasiyiintii Itoobiya…dawladduna waxay ka qaaday talaabo adag cidii loo tuhmayay inay falkaas ku lug leeyihiin,” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland. Wuxuuna intaa ku daray, in xukuumaddu ay sharciga horgeyn doonto saraakiisha iyo masuuliyiinta loo xidhay baadhitaanka ay ku sameeyeen saraakiisha Itoobiya.
Inkastoo uu sheegay in Itoobiya tahay dalka ugu dhow Somaliland marka laga eego dhinaca saaxiibtinimada iyo cilaaqaadka u dhexeeya, isla markaana fal noocaas oo kale ahi aanu wax u dhimi karin xidhiidhka labada dhinac, haddana waxa uu ku celceliyay siday xukuumadda Somaliland uga xuntahay talaabadaas, masuuliyiinta Itoobiyana ay ku qancin doonaan raaligelinta ay siiyeen iyo talaabooyinka ciqaabeed ee la marinayo xubnaha lala xidhiidhay inay falkaas ku kaceen. “Waanu ka raaligelinaynaa, waxaananu ku qancinaynaa wixii talaabo aanu qaadnay, waananu u sheegaynaa….Aad iyo aad baanu uga xunahay, runtiina iyagana waanu ku qancinaynaa, mana aha wax xukuumadda Somaliland iyo shacbiga Somaliland midna raali ka yahay,” ayuu raaciyay hadalkiisa. Wuxuuna tilmaamay in ujeedada socdaalkiisa magaalada Addis Ababa uu ugu baxay ay qayb ka tahay sidii ay masuuliyiinta dawladda Itoobiya ugu qancin lahaayeen raaligelintaas, sida ay xukuumaddu uga xun tahay talaabada noocaas ah iyo sidoo kale talaabooyinka ay doonayaan inay ka qaadaan dhawr xubnood oo ilaa haatan u xidhan fulinta baadhitaankaas.
Qurbejoog.com, Hargeysa