Xukuumadda Somaliland Oo Qal-qaalo Ugu Jirta Sidii ay Mawaadin Reer Hargeysa ah ugu Gacan Gelin lahayd Dalka Denmark Oo Qabashadiisa Dalbaday
Hargeysa:June,29,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland, ayaa la sheegayaa inay Qalqaalo ugu jirto sidii ay Muwaadin ka soo jeeda Magaalada Hargeysa, isla-markaana Haysta Dhalashada Denmark u Gacan Geliso Dalka Denmark oo si weyn u raadinaya.
Muwaadinkan oo Magaciisa la Yidhaahdo Cumar Xasan Cumar, ayaa ay xukuumaddu Toddobaadkii hore xabsiga dhigtay, iyadoo xadhigiisana ay Dalbatay Dawladda Waddanka Denmark.
Ma jiro heshiis iskaashi oo ka dhexeeya dawladda Denmark iyo Dawladda Somaliland, waxaanay dad badani isweydiinayaan sida ay xukuumadda Somaliland ugu dhiiran karto inay muwaadinkaas u gacan geliso dal shisheeye.
Qoyska muwaadinkani waxa ay tilmaamayaan in haddiiba uu jiro dambi uu muwaadinkani soo galay oo ay Denmark ay cadaymihiisa hayso ay tahay in lagu maxkamadeeyo wadankiisa oo aan loo gacan gelin dal shisheeye.
Qoyska muwaadinkan ayaa dalbanaya in wiilkooda xorriyadiisa loo soo celiyo mar haddii aanu jirin dambi uu galay oo ay dawladda Somaliland u haysato.
Hay’adaha ammaanka oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin, laakiin hadal qaadka arrintani waa markii u horaysay ee lagu maqlo dawladihii kala dambeeyay ee Somaliland.
Toddobaadkii Haatan dhammaaday ayey xukuumadda Somaliland Dalka Djibouti u gacan gelisay muwaadin ka soo jeeeda somalilad, kaas oo ay Ehelladiisu ka dayriyeen sida fudud oo loogu gacan geliyey Dawlad kale.
Xukuumadda Haatan Somaliland ka jirta ayaa u jajaban dhawaaqyada ka soo baxaya Dalalka Deriska, kuwaas oo la xidhiidha Cid kasta oo ay ka shakiyaan inay dalbadaan inay gacantooda ku baadhaan oo aanay cid kale u soo marin.
SDN/QJ-Hargeysa