Xukuumadda Somaliland Oo Mamnuucaysa Wadahadalka Dhaqanka Ee Lagu Xalliyo Kiisaska Kufsiga
Hargaysa 29.Nov 2015 (SDN/QJ):- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gebi ahaanba mamnuucaysa wadahadallada habka dhaqanka ku salaysan ee odayaashu ku xalliyaan inta badan kiisaska kufsiga loo gaysto dumarka.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali-sandulle) oo ka hadlayey kulan lagaga dhawaaqay bilowga olole wacyigelin ka dhan ah tacadiyadda loo gaysto haweenka, kaas oo wasaaraddiisu ka fulin doonto dalka muddo 16 maalmood ah, waxa uu sheegay in la sameeyey xeer cusub oo khasbaya in ciqaab adag la mariyo dadka sameeya falalka kufsiga, isla markaana meesha ka saaraya in wada xaajood laga galo arrintaasi.
“Wasaarad ahaan waxa naga go’an ciqaabidda cid kasta oo kufsiga haweenka ku lug yeelata, ogolaanmayno in gabadh la kufsaday reero dambe isku soo hordhadhiistaan oo ka wadahadlaan, arrintaasna sharci adag baanu ka soo saari doonaa. Waxa dhawaan la meelmarin doonaa sharcigii kufsiga, si wixii ka bilaabma sannadka cusub ee 2016-ka maxkamaduhu u adeegsadaan xeerkan ciqaabta si ay ugu qaadaan ciddii kufsi geysata. Dibna u jirimayso inta kufsi dhaco in inanta loo guuriyo ninkii kufsaday.” ayuu yidhi Wasiir Cali Sandulle.
Waxa kaloo wasiirku tilmaamay in kufsigu si wayn kor ugu kacay heerkiisu, isagoo shacabkana ka codsaday inay kala shaqeeyaan joojinta guud ahaan tacadiyada lagula kaco dadka nugul, waxaannu “Anigoo tixraacaya warbixinaha kala duwan ee ay wasaaraddaydu soo ururisay inuu kor-u-kacay kufsigu sannadahan dambe marba marka ka dambaysa, waliba waxa iminka soo badanaya kufsi wadareedka.
Dhammaanba Shacabka waxan ugu baaqayaa inay ka wada qaybqaataan dagaalka tacaddiga ka dhanka ah, gaar ahaan midka haweenka lagu hayo.” Waxa kaloo uu soo jeediyey in la dhiirrigeliyo aqoonta iyo waxbarashada gabdhaha oo muhiimad wayn u leh horumarka shacabka, “Gabdhaha waxaan u soo jeedinayaa inay waxbarashadooda ku dedaalaan si ay horumar u gaadhaan, raggana ula tartamaan, waa inay qabtaan waxkasta oo diinteenu u bannaysay, waayo diinteenu may dullaynin dumarka ee sharaftooda ayey meelsare gaadhsiisay,” ayuu yidhi.
Dhinaca kale, xaflad lagu shaaciyeynayey bilowga ololahan oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada shalay, kana qaybgaleen masuuliyiinta wasaaradda, wakiillo ka kala socday hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa caalami ah iyo ururro waddani ah ee wadashaqyntu ka dhaxayso, qaar ka mid ah ardayda dugsiga hoose/dhexe ee Hargeysa iyo marti sharaf kale, waxa hadallo ka jeediyey Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Maxamed Faarax Xirsi, Cabdisabuur oo ka socday hay’adda UNWOMEN iyo Maxamed Cabdi Jaamac oo matalayey hay’adda UNFPA, kuwaas oo ku baaqay in loo midoobo joojinta tacaddiyadda dumarka loo gaysto iyo dadka kale ee jilicsan oo wacyigelinteedu dalka ka soconayso 25-ka bishan November ilaa 10-ka December 2015-ka.
“Farriinta aan dirayo bulshadu waa in tacadiga lagu hayo haweenku keeni karo ama horseedi karo in khayraadka dalka la kala badsado, isla markaana uu lumo mustaqbalka haweenku, waana in inagoo isku duuban aynu u midawno dabar-goynta tacadiyadaas aynu ka hadlayno.” Sidaa waxa yidhi Cabdisabuur