Xukuumadda Somaliland oo ku fashilantay xumadda shacabka laynaysa
Hargeysa. 17 October, 2022. (QJ)- Xukuumadda Somaliland ayaa illaa hadda ku fashilantay in ay wax ka qabato xumadda daran ee ka jirta gudaha dalka, taas oo aysay shacab tiro badan.
Warbaahinta Qurbejoog oo arintan u kuur gashay ayaa ogaatay in dadka illaa hadda xummadda u dhintay ay iskugu jiraan dad waawayn, dad yaryar iyo xataa caruur, arinatas oo walaac leh marka la eego kooxaha caafimaadka oo ka digaya fiditaanka xanuunka iyo war la’aanta dawladda.
Xumaddan oo lagu kala qaado qaniinyada kaneecada ayaa guri walba loogu jiifaa gudaha magaalada Hargeysa iyadoo ugu yaraan hal qof ku dhacday guri kasta, balse xukuumadda ayaa iska dhego tirtay.
Wasiir ku xigeenka Caafiamadka Somaliland ayaa hore u beeniyay in dad ay u dhinteen xumadda balse dhakhtarka wayn oo wasaaradda ku dhegsan ayaa lagu dhimanayaa maalin walba iyadoo aanay weli ka hadal.
Bahda caafiamadka ayaa sheegay ijn xanuunkani hore ugu badnaa wadamada Somaliland la jaarka ah sida Itoobiya, balse uu yahay markii ugu horaysay ee heerkan uu ku gaadho gudaha Somaliland.