Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaridka ah oo Isku Muruxsaday Iyo Daneeyayaasha Dimuquraadiyada Somaliland oo la eegayo inay soo Farogeliyaan DAAWO
Hargaysa 27.Aug 2014 (SDN/QJ)- Musharraxa u taagan Jagada Madaxweyne-nimada Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal ali Xuseen, ayaa faahfaahin ka bixiyey waxay ka wadahadleen Wefti ka socda dalalka Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka iyo nidaamka dimuquraaddiyadda oo Hargeysa ay Insiintii doraad kulan ku wadayeesheen Masuuliyiinta Xisbiyada, waxaanu sheegay inay Weftigaasi ka garnaqayaan ama dhex-dhexaadinayaan khilaaf u dhexeeya labada Xisbi Mucaarad iyo Xukuumadda Siilaanyo, kaasoo uu huriyey ama abuuray Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde.
Jamaal waxa uu sharraxaad ka bixiyey waxa uu khilaafkaasi salka ku hayo, halka uu ka bilaabmay, waxa xalkiisu noqonayo iyo waxay Xukuumaddu doonayso inay uga faa’iidaysato, isagoo Wasiir Waran-cadde ku eedeeyey inuu Wanjal ka dambaysiiyey heshiishyo qoraal ah uu u dhexeeyey Xisbiyada, Xukuumadda iyo dalalka Caalamka ee Somaliland ka taageera dhaqaalaha dhismaha dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka.
Dhinaca kale Daneeyeyaasha Geedi Socodka Dimuquraadiyada Somaliland ayaa la eegayaa Sidii ay Faro galin ugu samayn lahaayeen Khilaafka isku haysiga diiwaangelimaha la rabo in dalka laga hirgaliyo doorashooyinka sannadka soo socda ka hor.
Haddaba, Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo arrimahaas iyo kuwo kale oo xiiso leh ka hadlaya waxaanu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan.