|

Xukuumadda Somalia Oo Baarlamaanka Ugu Baaqday Inay Mawqif cad Ka Qaataan Boobka Kenya ku Hayso Badda Somalida

Muqdisho:Nov,29,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Somalia ayaa mar kale ka Hadashay Boobka ay Kenya ku hayso Dhul-badeedka Somalia, waxana ay tilmaamtay in dhulkaasi ay gacanta ku Hayso Kenya.

iloeXeer ilaaliyaha Guud ee Dawladda Somalia Dr. Axmed Cali Dahir  oo arrintan ka Hadlay, ayaa Baarlamaanka Somalia ugu baaqay inay Go’aan Midaysan ka qaataan Tallaabada ay Kenya ku Haysato Badda Somalia oo aanay ilaa iyo haatan wax Garawshiiyo ah ka Bixinin.

Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay in kenya ay wali ka wado Badda Soomaaliya ee howlo shidaal baadhis sharci daro ah, isla markaana ay shirkado shisheeye qandaraas ku siisay inay howlo sahmin baadhis uga sameeyaan, waxaana uu tilmaamay inay shirkadahaas digniin iyo awaamiir culus u direen.

“Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ka codsaneynaa inay nagu taageraan mowqifkii ay hore u qaateen baarlamaankii hore, sidaa darteed ayay dowladda kenya dhulkeena u sheegatay, anagana dhul ay leeyihiin ma aanan qabsan, dhulkyagana muran ma aanan gelin anaga nagula heystaa dadka qaar maxaa waqtigan looga hadlayaa ayay leeyihiin, arrinta ma ahan gorgortan laga galayo, Kenya 2005 ilaa hada dhaq dhaqaaq sharci daro iyo baadhis ayay ka wada xuduud ay keligeed sameysatay oo Baddeena Soomaaliya, si ay u goosato oo ay dhinaceena xigsato ayay rabtaa”ayuu yidhi Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in shirkado ay digniin u direen ay qaateen, kana baxeen badda, waxaana uu xusay in laba shirkadood ay hadheen, kuwaasna ay ganaax adag dul dhigeen.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed