|

Xukuumadda Siilaanyo : Saarka Dhaantada Fanaaniinta Kililka 5aad, Ficiltankeeda Fannaaniinta Geeska iyo Dhaawaca ka soo gaadhay Madaxweyne lagu Doortay Gudaha Dalka; Saddex aan Is-qaban

Hargeysa Aug 16,2014(SDN/QJ)-Xukuumada Somaliland ee uu Madaxweyne Siilaanyo hogaanka uyahey ayaa bilowdey inay Laficiltanto Fanaaniinta Xidigaha Geeska kuwaas oo ah faniin ku adag qaranimada iyo Jiritaanka
Somaliland.

Waxa maanta deegaanka Saax-dheer oo katirsan gobolka laascaanood lagu doortey madaxweyne Cusub oo ay caleemo saareen kooxda maleeshiyada ah ee KHAATUMO . Xukuumadan ayaa ku foogan in ay umadeeda iyo shacbigii  Somaliland Laficiltanto iyadoo imikana sigaara ula ficiltameysa Kooxda xidigaha geeska oo Soo nooleeyey Fankii lagu yaqaan Hargeysa iyo guud ahaanba Somaliland.

Xukuumaddan haatan sii socota ee taagta dareysey ayaa kooxdan ku heysta barnaamijyo ay tvyada madaxa banaan uqabteen taasi oo ay Maamulku waliba Raaligalin kabixiyeen . Waxa wax lalayaabo ah xukuumaddani maxay marka hore u ogaan weydey 30 ka kamaradood ee sida tooska Madaarka Hargeysa looga soo dijey taasi oo ay si cad ugu soo fasaxeen.

Xukuumadda ayaa bilowdey qorshe cusub oo ay kula ficiltameyso Fanaaniinta kooxda xidigaha geeska taasi oo ay dalka Ethopia ka dalbadeen Fanaaniin laga soo abaabuley kililka shanaad waxaana uyeedhey Xukuumadan Siilaanyo .

Isku soo wada duuboo waxaan isba laheyn Xukuumadda Siilaanyo: Saarka Dhaantada Fanaaniinta Kililka 5aad, Ficiltankeeda Fannaaniinta Geeska iyo Dhaawaca ka soo gaadhay Madaxweyne lagu Doortay Gudaha Dalka; Saddex aan Is-qaban Xukuumada dalkeeda badh laheysto ayaa ficiltankeedii kusoo koobmay inay kaliya la ficiltanto Fanaaniintan oo ah kooxdii ugu horeysey ee Qadiyadooda Cadeeyey in ay Somaliland
yihiin.

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed