|

Xukuumadda Siilaanyo oo soo dhaweynta wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda ku baabi’isay lacag Adag iyo iyo Danyartii dalka oo sixir-barar la degey.

 

BIIXIHargeysa july 21-2013(SDN)Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhaweynta wasiirka cusub ee dhawaan madaxweynuhu u magacaabay inuu gadh-wadeen ka noqdo wasaaradda Arrimaha Dibadda oo maanta waddanka soo gaadhay ku kharash-garaysay lacag adag  oo shacabka reer Somaliland si aad ah ugu baahnaa.

Soo dhaweynta wasiirka cusub oo ay Guddi gaar ahi gacanta ku haysay, ayaa waxa ay xukuumaddu ku bixisay soo dhaweyntiisa lacago aad u badan oo ay jiraan meelo kale oo lagu baahi tiri lahaa.

Wasiirka oo maanta ka soo degey garoonka caalamiga ah ee  Cigaal International Airporta, ayaa waxa lagu soo dhaweeyey jawi aad u cakiran oo la buun-buuniyey, waxana ay soo dhaweyntiisu hakad weyn gelisay habsami-usocodkii Nolosha magaalada Hargeysa ee Gaadiidka Caadiga ahaa iyo dadweynihii muddo saacado ah meel ay maraan waayeen, iyadoo badiba wasiirada xukuumadda iyo hogaanka xisbiguba ay saxmaddaa iyo cidhiidhigaa qaybtooda ka qaateen hawlihii qarankana ku lumiyeen.

Gaadiid ka badan Boqolaal Gaadhi oo ay xukuumaddu shidaalku shubtay iyo  shacab Loo sii abaabulay  soo dhaweyntiisa, ayaa Gebi ahaanba meel Laga maro la waayey,iyadoo Min Garoonka Diyaaraha illaa iyo Madaxtooyada  ay qabsadeen Gaadiidkii wasiirka Gelbinayey.

Maanta oo badhtanka lagaga jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaanta, ayaa Badiba shacabka ku dhaqan Somaliland oo danyar u badani waxa ay la il-daran yihiin Busaarad xad-dhaaf ah iyo sixir-barar xadhkaha goostay oo ku yimi cuntadii quutal daruuriga ahayd ee ay u baahnaayeen oo aanay haatan iibsan karayn.

Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne siilaanyo, ayaa u muuqata mid lacag adag oo shacabkeeda danyarta ahi baahi weyn u qabeen ku lumisay soo dhaweyn aan macno badan ku fadhiyin oo laga maarmi karayey inteeda badan.

Badiba shacabka bishan ramadaanta ay saamaynta weyn ku yeelatay  sixir-bararku ee lagu qaaliyeeyey maciishadii ayaan u bogin tallaabadan ay xukuumaddu haatan qaadday, waxana ay saluug weyn ka muujiyeen sida ay  xukuumaddu u daawanayso sixir-bararka ay ku kaceen tujaarta waaweyn ee waddanku, iyadoo ilaa  iyo haatan aanay xukuumadu waxba ka odhonin maciishada kacday, iyagoo  aan wax farriin ahna u dirin ganacsatada maciishadda kicisay.

Ma aha markii ugu horraysay ee xukuumadda Somaliland  lacago adag  ay jireen meelo kale oo looga baahnaa ay ku lumisay hawl laga maarmi karayey ama wax ka yar inta la isticmaalay lagu maamuli karayey.

 

Somalidiasporanews   Somaliland.

Axmed Cumar Axme (timo)   Hargeysa Office.

Comments are closed