|

Xukuumadda oo Xamar u Dirtay Guddoomiyihii Kubadda Cagta Somaliland iyo Xeelladii loo Baabi’iyey Xidhiidhada Ciyaaraha oo Banaanka u soo Baxday

Hargeysa Oct18,2012(SDN/Hubaal)- Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Axmed Maxamuud Sheekh (Axmed-Dhego) ayaa ka degey magaaladda Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya  oo uu maalmihii u dambeeyeyba ku sugnaa. Guddoomiye Axmed Dhego oo  uu  socdaalkiisa ku weheliyo guddoomiyaha naadiga Kubadda Cagta ee Wasaaradda Duulista Hawada oo kamid ah naadiyadda heerka koowaad ee Caasimadda oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Axmed (Dhabbeeye), waxa la sheegay in ay Madaarka Berbera ka ambo baxeen dabayaaqadii toddobaadkii hore iyaga oo u sii jeeday magaalada Muqdisho.

Ujeeddada Socdaalka guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ayaa lagu tilmaamay inuu ka dambeeyey ka dib markii loogu yeedhay deeq qalab Istoorti ah oo ay Xidhiidhka Ciyaaraha Soomaaliya u qaybinayeen gobollada Soomaaliya, qayb kamid ahna ay u qoondeeyeen Somaliland oo ay  ka dhigeen gobol hoos yimaada xidhiidhkooda.

Ilo Xog ogaal ah oo  u dhuun daloola arrintan ayaa Wargeyska Hubaal u sheegay in Tegitaanka Guddoomiyaha iyo masuulkan kale  ay ka shaqeeyeen isla markaana si qarsoodi ah u ambo bixiyeen wasiirka  Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo  Dalxiiska Somaliland Cali Siciid Raygal iyo Agaasimihiisa guud Mustafe Maxamuud Qodax, kuwaas oo Wasaaradda inteeda kale ka qariyey safarkooda.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in socdaalkan guddoomiye Dhego qayb ka yahay  ujeeddada wareegtaddii uu wasiirka ciyaaruhu ku kala diray Xidhiidhaddii Ciyaaraha Somaliland kuwaas oo uu ku dooday inaanay ahayn kuwo la aqoonsan yahay, sidaasi darteedna lagu hoos geynayo Soomaaliya.

Waxa kale oo arrintani xidhiidh la leedahay safarro Muqdisho iyo Hargeysa la iskaga dab qaadayay oo ay bilihii u dambeeyey  ku imanayeen masuuliyiin ka socda xidhiidhada Ciyaaraha Soomaaliya, iyagoo kulamo kala duwan la qaadanayay Madaxda Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland iyo Xubno golaha wasiirrada  ka tirsan,  Safarradaas oo uu ugu dambeeyey kii uu Hargeysa ku yimid Xog-hayaha xidhiidhka kubadda cagta ee Somaliya Cabdiqani Siciid Caabi oo bishii 8aad ee sanadkan Hargeysa yimi isagoo kulamo la yeeshay wasiirrada duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Ciyaaraha Cali Siciid Raygal.

Madaxtooyadda Somaliland ayaan illaa haddii ka hadal dhaqdhaqaaqyada ka dhan ka qarannimadda ee waayihii u dambeeyey xubno ka tirsan Xukuumaddu samaynaynayeen, kuwaas oo dhiig bax ku  ah halgankii naf iyo maalba lahaa ee bulshaddu kaga tashatay aayaheeda, isla markaana cirka ku laalaysa himilladdoodii aqoonsi buuxa oo ay caalamka ka helaan.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed