Xukuumadda oo Xabsiga Dhigtay Guddoomiyihii Xidhiidhka Kubadda Cagta ee Xamar Tegey oo Shalay Soo Laabtay
Berbera Oct 20,2012(SDN/Hubaal)- Ciidammada Baadhista Dembiyadda ee C.I.D-da ayaa shalay xabsiga u taxaabay Guddoomiyihii Xidhiidhka kubadda Cagta Somaliland Axmed Maxamuud Sheekh (Axmed-Dhego) iyo guddoomiyaha Naadiga kubadda cagta heerka 1aad ee wasaaradda duulista hawada Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), kadib markii ay socdaal qarsoodi ah ay muddo sagaal maalmood ah ugu maqnaayeen xarunta dawlada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Labadan masuul ayaa muddadii ay ku sugnaayeen Muqdisho kulamo la yeeshey qaar kamid ah xubnaha xidhiidhka kubadda cagta ee Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay in ay ka codsadeen sidii looga taageeri lahaa qalabka iyo dhaqaalaha ku baxaya tartanka koobka Ciyaaraha gobollada Somaliland oo la qorsheeyey in bisha dambe ee December uu ka qabsoomo Hargeysa.
Arbacaddii ina dhaaftay ayaa Wargeyska Hubaal war bixin ka qoray socdaalka guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Axmed Maxamuud Sheekh (Dhego) iyo Maxamed Xuseen Dhabeeye ay ku tegeen muqdisho oo aan markii hore ujeedaddiisa la ogayn hase ahaatee markii dambe xogo laga helay ay tibaaxeen in uu ku saabsanaa sidii ay taageero dhaqaale iyo mid qalaba u soo weydiisan lahaayeen xidhiidhka Kubadda Cagta Soomaaliya, hase ahaatee ay gacan madhan kala soo noqdeen, kadib markii Xidhiidhkaasii masuuliyiinta Somaliland ka socday u sheegeen inaanay u hayn wax qalab iyo dhaqaale ah, marka laga reebo kuwo ay ku xidheen shuruud ah in lagu sunto magaca Somaliweyn oo lagu xuso in Somaliland ka mid tahay gobollada Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxa kale oo safarka masuuliyiintani xidhiidh la lahayd safarro Muqdisho iyo Hargeysa la iskaga dab qaadayay oo ay bilihii u dambeeyey ku imanayeen masuuliyiin ka socda xidhiidhada Ciyaaraha Soomaaliya, iyagoo kulamo kala duwan la qaadanayay Madaxda Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland iyo Xubno golaha wasiirrada ka tirsan, Safarradaas oo uu ugu dambeeyey kii uu Hargeysa ku yimid Xog-hayaha xidhiidhka kubadda cagta ee Somaliya Cabdiqani Siciid Caabi oo bishii 8aad ee sanadkan Hargeysa yimi isagoo kulamo la yeeshay wasiirrada duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Ciyaaraha Cali Siciid Raygal. Madaxtooyadda Somaliland ayaan illaa haddii ka hadal dhaqdhaqaaqyada ka dhan ka qarannimadda ee waayihii u dambeeyey xubno ka tirsan Xukuumaddu samaynaynayeen, kuwaas oo dhiig bax ku ah halgankii naf iyo maalba lahaa ee bulshaddu kaga tashatay aayaheeda, isla markaana cirka ku laalaysa himilladdoodii aqoonsi buuxa oo ay caalamka ka helaan.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo wargeyska Hubaal helay ayaa tibaaxaya in Kulankaasi dhexmaray xubnaha Somaliland ka socday iyo Xidhiidhka Soomaaliya oo dhowr weji lahaa uu markii dambe ku soo gebogaboobay natiijo la’aan, halkaas oo guddoomiyaha xidhiidhka Somaliland Axmed Maxamuud Sheekh iyo Masuulka kale ee la socday dib uga soo huleeleen gelinkii hore ee shalay.
Askar ka tirsan ciidanka dembi baadhista ee CID-da oo ay weheliyaan ciidammo Boolis ah ayaa shalay qabtay labadan masuul kuwaas oo Madaarka Berbera loogu sii diyaariyey intii aanay diyaaraddii siday soo cago dhigan. Tallaabadan xukuumaddu ku xidhay ayaa lagu sheegay inay hordhac u taahy hawlgal la doonayo inay ku qab qabato shakhsiyaadka reer Somaliland ee taga Xamar isla markaana dalka dib ugu soo laabta. Labadda masuul oo la qabtay markii ay Diyaaradda ka soo degeen ayaa ilaa hadda ku xidhan magaaladda Berbera. Tallaabadan ayaa dhinaca kale lagu tilmaamay mid xukuumaddu ku raad gadanayso oo ay ku dembabasayso tuhuno lagula xidhiidhinayo in ay ambo bixisay masuuliyiintan, hase ahaatee markii Warbaahinta dalku gaar ahaan wargeyska Hubaal uu soo bandhigay fadeexaddaha safarkoodu huwan yahay ay indhaha shacabka iskaga duwayso xadhigooda.
xukuumadda Somaliland ayaa hore uga soo saartay xeer xakamaynaya socdaalada siyaasadeed ee ku waajahan muqdisho iyo cid kasta oo ka qaybgasha qorshayaasha Somalia, kuwaas oo xeerka lagu sheegay in loo arko qaran dumis. sidaa awgeed ay la kulmayaan ciqaab dhinaca sharciga ah.
SDN-Berbera
contact@somalidiasporanews.com