Xukuumadda Oo Xabsiga Dhigtay Guddoomiyihii Dhallinyarada Jiidali u Qaabilsanaa Gobolka Togdheer iyo Afhayeenka Ururka Oo Cambaareeyey
Burco:Oct,11,2014(SDN/QJ)-Amar sida la sheegayo kasoo fulay dhinaca Aqalka Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa lagu xidhay Guddoomiyihii Ururka dhalinyarada ee Jiidali u qaabilsanaa Gobolka Togdheer Cabdisamad Axmed Boon.
Afhayeenka Guud ee Ururka Jiidali Faysal Cumar Madar, ayaa isagu warsaxaafadeed lagu cambaaraynayo kasoo saaray Xadhigga Guddoomaiyahaas la xidhay, kaas oo lala xidhiidhiyey inuu ka dambeeyey cadho xukuumaddu ka qaadday shir ururku qabanqaabinayey oo loo qaban lahaa dhammaanba dhallinyarada Somaliland, kana dhici lahaa Gobolka Sanaag.
Warsaxaafadeedka ayaa sidan u dhignaa:
Waxa ay Maanta(shalay) oo Jimce10/10/14 xukumadu ka Qafaalatay magaalada sheikh ee Gobolka Saaxil gudoomiyahii ururka Dhalinyaradii Subeer Awal ee JIIDALI ee Gobolka Tog-dheer Mr. Cabdisamad Axmed Boon.
Gudoomiyaha oo markii laga qabtay magaalada sheikh ayaa waxa loo dhaadhiciyay dhanka magaalada Berbera, xadhiga gudoomiyaha gobolka togdheer ee JIIDALI waxa soo amray madaxtooyada Somaliland ka dib markii ay dhawaan dhalinyarada ka soo kala jeeda gobolada Somaliland oo dhanayd ay kaga dhamaawaaqeen shir ay kaga tala bixinayaan qaranimadii Somaliland ee dhawaan tan inta xukumadani jiratay mugdi gashay .
Shirkaas ay dhawaan kaga dhawaaqeen dhalinyarada Somaliland magaalada BURCO oo ay xukumadu Dagaal kula jiratay ayaa aanu u aanaynanaa in loo xidhay gudoomiye C/samad Ahmed loo xidhay .
Waxaanu hadaba xukumada u sheegaynaa in rabitaanka dhalinyaradu ayay ka arinsanayaaan mustaqbalka dalku aanu ku joogsan doonin mid iyo laba la xidho .
Guud Ahaan Ururka DHalinyarada Subeer Awa lee JIIDALI waxa uu baaq udirayaa dhalinyarada soomaliland in aanay ka waaban ka midhalinta Halganka Badbaadinta dalka.
Faysal cumar madar
Afhayeenka Jiidali
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com