|

Xukuumadda oo Tabashooyinka reer Gabiley Ugu Gabbata Tukashada Salaada Jimcayaasha

Hargeysa Oct 20,2012 (SDN/Hubaal)- xubno wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa mar labaad shalay salaadii Jimcaha kula tukaday Masaajid ku yaal magaalada Arabsiyo ee gobolka Gabiley.

Wasiirrada arrimaha dibbedda iyo madaxtooyada Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa salaadii jimcaha kadib waxa ay xubno kamid ah madax dhaqameedka gobolka Gabiley kulan qado ah ku yeesheen bustaan ka mid ah kuwa lagu marti sooro madaxda sare ee qaranka, halkaas oo ay kaga wada hadleen arrimo ku lug leh gobolka, gaar ahaanna degmadda Arabsiyo.

Kulankan oo sida aanu ku helnay wararku ay tibaaxayaan in uu ahaamid ay sii qorsheeyeen qaar kamid ah madax dhaqameedyada gobolka oo uu ugu horreeyo Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan iyo xubno kale oo ay ka wada socdeen qorshahaas  oo kaliya, ayaa kulankaasi ku dhex maray bustaanka dhexdiisa iyadoo waxa la tilmaami karo ee lagaga hadlay ahaayeen Dooxa oo qaadaya dugsigii magaalada iyo gaadiid la’aan haysata ciidanka Booliska.

Odayaasha deegaanka Arabsiyo oo aan kulankaa looga yeedhin marka laga reebo Jiif Caaqilka Arabsiyo oo qaarkood aanu wax ka weydiinay sida ay u arkaan kulankaas dhexmaray xubnaha xukuumadda iyo qaar kaloo ka tirsan madax dhaqameedyadda, waxa ay sheegeen in aanay waxba kala socon, sidoo kalena ay madaxda dhaqanka qaarkood caado ka dhigteen in had iyo goor ay mililka ka dhayaan dusha sare, si ayna  marnaba  uga go’in gacanta xukuumadda oo ay u arkaan mida kaliya ee wax duugi karta.,

Kulankaa waxa kale oo la sheegay in xubnihii madax dhaqameedka ahaa ee fadhigii kulankaa isugu yimid, ay wasiirka madaxtooyadda dhegta ugu rideen inuu yahay wasiirka arrimaha dibbeda ee JSL Maxamed Cabdillaahi Cumar ka kaliya ee matala dhammaan bulshada gobolka iyagoo u arkayay in aanay labada xubnood ahayn laba wasiir oo siman mar haddii isaga wasiir lamid ah u qaddimeen badheedhahooda ku saabsan wasiirka kasoo jeeda gobolkooda.

Cabashadii gaadiid la’aanta booliska ayaa sidoo kale sida ay wararku nagu soo gaadheen uu wasiirka madaxtooyadu Xirsi Cali Xaaji Xasan u ballanqaaday inuu ugu deeqayo Booliska degmadda Arabsiyo XAajiyad uu isagu gaar u leeyahay.

 

SDN-Gabiley

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed